|
Written by Editor
|
|
Sunday, 11 May 2008 13:07 |
|
Ciidamada gumaystaha Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa dhowr qofood oo rayid ah kudilay gudaha magaaladaas iyadoo aysan jirin cid wax ku tuurtay ama qarax la beegsatay!
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wararku sheegayaan inay magaalada gudaha usoo galeen iyagoo halkaasi ka dhaansanayey biyo ay ciidamadooda u wadeen. Dadka rayidka ah ee la dilay ayaa iyagu isaga cararay ciidamada Xabashida marki ay muuqa ciidamadaasi arkeen. Ayaan darro kuma aysan baxsan cararkaasi oo ciidamada Xabashida ee cabsi ku joogga ah ayaan arxan darro iyo cabsi is huwan darteed xabbado magaalada laga maqlay ku furay dadkaa sii kala yaacayey. Inta la hubo ilaa laba qof ayaa ku dhimatay, tiro dhaawacna ahna waa ay ka dhalatay rasaastan ay ciidamada Itoobiyaanku ku fureen shacabka. Ma jrin cid ka mid ah TFG-da oo ka hadashay dadka gardarrada loogu dilay degaankoodii iyo guryahoodii, sidoo kalena hay'adaha Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay iyo dawladaha dunidan uga taagta roon ayaan iyagu wax caanbaarayn ah usoo jeedin gummadka iyo gawraca ciidamada xabashidu ka wadaan gudaha Soomaaliya, waxaana ilaa haatan dhagaha laga furaysanayaa in la sameeyo Maxkamad baarta danbiyada dagaal iyo xadgudubyada ay shacabka Soomaaliyeed kula kacayaan Xabashida iyo maleeshiyaadka Soomaalida ee dhibaatada wayn ku haya shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan.
Trackback(0)
 |