GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Sunday
Sep 07th
Home Jaaliyadaha Bannaanbax Weyn oo Soomaalidu Maalintii 2aad ka Samaysay Oslo

Bannaanbax Weyn oo Soomaalidu Maalintii 2aad ka Samaysay Oslo

E-mail Print PDF

Banaanbax ballaaran oo kasoo qeyb galey dad lagu qayaasey 800 ilaa 1000 ayaa ka dhacay magaalada Oslo ee dalka Norway. Isoobaxayaasha oo isugu jiray a Rag, Dumar,Waayeel iyo Caruur, ayaa isugu yimid  xarunta xisbiga shaqaaalaha (youngstorget). Banaanbaxaan ayaa ahaa midkii labaad ee ka dhaco dalka Norway tan iyo shalay isagoo kusoobeegmay maalinta shaqaalaha adduunka .

 

Bannaanbaxayaasha ayaa waxaa wejiyadooda ka muuqdey caro ay u qabaan dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya oo xasuuq ka wada dalka Soomaaliya waxayna dowlada Norway ka codsadeen iyo caalamkaba in la joojiyo xasuuqa ka socda dalka Soomaaliya oo taageero lagu siinayo dowladda uu madaxda ka yahaya Malez zenawi iyo  u adeegahiisa Soomalaiya.

 


Waxay ku dhawaaqayeen Isusoo baxayaashu ereyo ka dhan ah Bush iyo Zenawi , waxay ku qeylinayeen ereyo kale duwan oo ay ka mid yihiin “ heybad waxaa u leedahay dhulkaada hooyo waana lama huraankii...“ “Ninkii dhoof ku yimid baa geeridu dhibeysaa “ waxaa kaloo ka mid ahaa ereyo Noorweeji ah sida “ Lenge leve for nasjon , lenge leve for Somalia” kuwaasoo macanahaeedu yihiin Soomaali ha noolaato waqti dheer , waxaan kaloo arkayey ilmada ka qubaneysey qaar ka tirsan bannaanbaxayaasha markii la qaadayey heesta ah “heybad waxaad ku leedahay dhulkaada hooyo”.


Socodka ayaa ka billawdey youngstorget ilaa ay socodka kusoo hormareen aqalka Baarlamaanka Norway , dadka ayaa shucuurta ku muujiyey in ay ka xun yihiin aysana u dulqaadan doonin dhibaatada iyo gumaadka lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Waxaa ka hadlay goobtii Bannaanbaxa Cali Cabdulaahi Xasan (Cali Ganey) oo ah wakiilka Isabaheysiga dib u xoreynta u jooga dalka Norway, Cali ayaa u sheegey saxaafadda in ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Itoobiya waxuuna ugu baaqey shacabka Soomaaliyed in ay ka dhiidhiyaan gumeysiga cusub ee tigreega.

 

Hooyada sawirkeedu ka dhex  muuqdo sawirrada mudaaharaadka oo da'deeda iigu sheegtey in ay 70 sanno jirto, laguna magacaabo Culumo Maxamuud Cubeyd una soo kallahdey saaakay bannaanbaxa si ay uga qeybgasho ayadoo weliba ka muuqatey in aysan awoodin socodka dheer ayaa waxaa ay ku kuftey wadada intii lagu guda jirey socodka , sida idinkaga muuqato sawirka hoose ayaa gacanta laga duubayaa dhaawac yar oo kasoo gaarey, waxaase kasii yaab badneyd markii hooyada lagu yiri in loogu yeero baabuurta caafimaadka amaba taksi ayay ku jawaabtey "wax walbo oo igaara waan la dhameysanayaa socodka bannaanbaxayaasha.

Mudaaharaadkii hore ayaa Soomaalida badan oo guri ka dhigatay wadamada Yurub ay isugu yimaadeen, kaasoo looga soo horjeeday xadgudubyada ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa taageersan ka wadaan Soomaaliya. Mudaaharaadayaasha oo wadamo kala duwan isaga yimid oo qaarkoodna basas ku yimid ayaa si weyn ugu buuqay markii ay xarunta uu ka dhacayey shirka Contact Group ay si galaysay Jandey Frazer iyadoo markii danbana ay halkaasi kula hadleen madax kamid ah kuwii shirkaasi ka qayb galay.

Ahmed Would Abdallah wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo madax kale ayaa halkaasi kula hadashay dadkii mudaahraadka isugu yimid iyagoo ka jawaabay su'aalo dhawr ah oo la waydiiyey. Waxay Contact Group sheegeen inay haatan ka dib inta badan hawlahoodii ku wareejin doonaan Qaramada Midoobay iyagoo wax qabadkoodii mudadii ay jireenna kusoo koobay inay arrinta Soomaaliya horgeeyeen Qaramada Midoobay goloheeda Amniga oo halkaas maanta arrinta Soomaailya looga doodayo. Dad badan ayaa aaminsan in Contact Group markii horeba loo sameeyey sidii dahaar iyo u hoosaasin loogu samaysn lahaa qorsahaha qaawan ee bahalnimada ah ee Maraykanku kula dagaallamayey kacdoonkii Maxkamadaha isaga oo u adeegsaday Itoobiya oo iyana dan wayn ka lahayd Soomaaliya cabsi weyna ka qabtay maamul ka madaxbannaan oo xoog leh oo Soomaailya ka dhasha.

 
 

Riix sawirka si aad u albumka aragto!
Riix sawirka si aad u albumka aragto!
Riix sawirka si aad u albumka aragto!
Riix sawirka si aad u albumka aragto!
Riix sawirka si aad u albumka aragto!
Riix sawirka si aad u albumka aragto!
Riix sawirka si aad u albumka aragto!
Riix sawirka si aad u albumka aragto!
Riix sawirka si aad u albumka aragto!
Riix sawirka si aad u albumka aragto!
Riix sawirka si aad u albumka aragto!
Riix sawirka si aad u albumka aragto!
Riix sawirka si aad u albumka aragto!
Riix sawirka si aad u albumka aragto!
Riix sawirka si aad u albumka aragto!

 

Waxaa isku soo duwey Wariye Nasrudiin xaashi kaariye (Caano)+Goobjoog

Trackback(0)
Comments (1)add comment
Abu Hassan: Mudaaharadka Norway http://www.goobjoog.net
Aad iyo aad bay u dadaaleen walaalaha Soomaaliiyeed ee sooqaban qaabiyey iyo kuwa kasoo qayb galay mudaaharaadka, waxaa kaloo xusid mudan inay qiimo lahayd kahdalka ay halkaasi kula hadleen Soomaalida madax ka tirsanayd Contact Group. Dadaalka halkaasi halaga sii wado
1

report abuse
vote down
vote up
May 02, 2008
Votes: +1

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii  ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar   Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le   Inta la ogyahay tiro lixdan ruux kor u dhaaftay ayaa ku nafwaayay dagaalo ba’an oo ka dhaca...

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma?

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma? Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...

Somali Diaspora Congress Press Release

Somali Diaspora Congress Press Release The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...

Ethiopian Forces Continue to Commit Crimes Against Humanity on Somali Civilians

Fairfax, Virginia, U.S.A., 21 August 2008 – In full view of the International Community, Ethiopian...

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah