Annagoo ah Jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku nool Yurub iyo Waqooyiga Ameerika waxaan si kulul u cambaareynaynaa dawladda Ethiopia oo ciidammadeeda sharcidarrada ku jooga Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay si aan kala sooc lahayn madaafiic ugu xasuuqeen dad shacabi ah oo aan hubeysnayn taasoo sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakac.
Sidoo kale waxaan si kulul u cambaareynaynaa falalkii waxshinnamada ahaa iyo dilkii gowraca ahaa ee loo geystay culumada tabliiqa iyo imaamkii masjidka Al- Hidaaya Allaha u naxariisto Shekh Saciid Yaxye, waxayna Culumadaasi dhammantood caan ku ahaayeen fidinta diinta islaamka iyo nabad ka islaaxinta geyiga soomaaliyeed.Waxaan cambaareyn u soo jeedinaynaa mas’uuliyiinta dawladda ku meel gaar ah kaddib markii ay si bareer ah u difaaceen fal gumaadyadii ciidamada Ethiopiaanka shacbiga u geysteen kana hortegi waayeen maatida hortooda lagu gawracay iyo xasuuqa dadweynaha aan hubeysnayn iyo afduubka carruurta yaryar ee ciidammada Ethiopia xarumahooda ku haystaan intaba.Sidoo kale, waxaan dhalliil usoo jeedineynaa beesha caalamka gaar ahaan Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo indhaha ka qabsaday xasuuqyada isdaba jooga ah oo ay ciidamada Ethiopia ka geysteen goobaha lagu cibaadeysto, isbitaallada iyo dugsiyada waxbarashada, waxaana Golaha Amniga ugu baaqeynaa in ay degdeg u soo farageliyaan una magacaabaan Guddi Xaqiiqa-raadin ah oo soo baara fal-dembyeedka soo noqnoqday oo ay ciidamada Ethiopia ka wadaan gudaha Somaliya.Ciidamada Ethiopia waa horor, joogitaankooda Soomaliyana waa sharcidarro, saa darteed waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay meel iska dhigaan qilaafaadka dhexdooda ayna u midoobaan badbaadibta diintooda iyo dalkooda, ugana hortagaan xasuuqyada iyo falalka isir baabi’inta ah oo sida joogtada ah ciidamada Ethiopia ka wadaan geyiga Soomaaliya tan iyo markii ay dalkeenna sharcidarrada ku soo galeen, ”qof qorrax kugu dilay hoos kuuma jiido” maahmaahdii ahayd yaan la iloobin ayaan ummadda u raacineynaa baaqa aan bixineyno.Ugu dambeyn waxaan tacsi murugo leh u direynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan ehaladii dadka sida xaqdarrada ah ciidammada Ethiopia u laayeen. Waxaan inta ku nafweysay xasuuqaas Eebbe uga baryeynaa inuu jannadii ka waraabiyo, ehaladoodii iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan uu ka siiyo. ”INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN”. Saxiixayaasha baaqan:1) Inj. Cabdulqaadir Sh. Yusuf Guuleed ” Europe”2) Prof. Xasan M. Cumar (Okiyo) ” ”3) Dr. Nuur Cilmi Cisman U S A4) Dr. Mire Cali Siyaad ” ” 5) Eng Cali Max’ed Cumar (Balcad) U S A 6) Cali C/qaadir Axmed Fiqi (Shombe) ” ” 7) Dr. Cabduraxmaan M. Axmed (Yare) ” ”8) Xaaji Axmed Macallin (Baraako) ” ”9) Dr. C/qaadir Y. Hirabe ” ”10) Dr. Axmed Cali Culusow ( Dhegadheere) ” ”11) Islaw Muxidiin C/qaadir A. Fiqi ” ”12) Col. Cabdullahi Cali Macow ” ”13) Cali Cumar Geedow (Garabeey) ” ”14) Cabduraxmaan Iimaan Xalane ” ”15) Axmed Xasan Wiif ” ”16) Cisman Xasan Cali ( Malaaq) ” ”17) Macallin Axmed M. Xalane ” ”18) Fawzi Barre Caamir ” ”19) C/qaadir Cisman Raage (Sagaar) ” ”20) C/maan Kulane ” ”21) Moxamed Cabdullahi Gabayre ” ”22) Cabdicaziz Axmed Mahdi ” ”23) Liibaan Abuukar A. Maalin ” ”24) Dr Maxamed Gurxan Cilmi Europe25) Dr. Abuukar Max”ed Caddaani (Jurux) ” ” 26) Axmed Max’m ed Mox’oud (Sh. Axmed) ” ”27) Cabdirizaq Macallin Cali ” ”28) C/qaadir Axmed Mox’oud ” ”29) Axmed Cabdicaziz Mox’ed ” ”30) Maxamed Xasan Tooxow ” ”31) Daahir Xasan Mox’oud ” ”32) Cumar Nuur Cumar ” ”33) Cabdirizaq Jimcaale Yarow ” ”34) Ibraahim Axmed Moxamed ” ”35) Jaamac Xasan Maxamed (Jaaamaceey) ” ”36) Dr. Abuukar Cali Jimcaale Gaduud ” ”37) Jimcaale Raage Cumar ” ”38) Cali Mox’oud Xiirane ” ”39) Axmed Cabdikarim Cali (Gabayre” Europe 40) Cabdullahi Macallin Xasan (Gacameey) ” ”41) Cabdullahi Ibraahim Cali (Gurey) ” ”42) Mox’oud Axmed Kulane ” ”43) Daa’uud Sh. Axmed Gargaduud ” ”44) Cabdi Maxamed Sabriye U S A45) Mox’oud Macallin Nuur ” ”46) C/qaadir Cali Xuseen ” ”47) Muuse Cisman Xasan ” ”48) Cabdi Xasan Cali ” ”49) Abuukar Mox’ed Cumar ” ”50) Cabdisamed Cageey ” ”51) Cabdisalaam Cabdullahi Gabayre ” ” 52) Dr. Muuse Faarax ” ”53) Axmed Macallin Idaajaa ” ”54) Suldaan Daa’uud Canshuur Warsame ” ”55) Dr. Ibraahim Shekeeye ” ”56) Muuse Geedi Farayare ” ”57) Col. Cabdi Xaashi ” ”58) Cabdullahi Camalow ” ”59) Inj. Maxamed Macallin ” ”60) Safiyo M. Diini ” ”61) Maxamed Cabduraxmaan Gaalkacyo ” ”62) Xaaji Cabdulle Farmashiye ” ”63) Macallin Axmed M. Xalane U S A 64) Cumar Maxamud Xalane ” ”65) Bashiir Mire Cali ” ”66) Col. Maxamed Canshuur ” ”67) Xaaji Cumar Casharow ” ”68) Inj. Maxamed Shekh ” ”69) Kaaho Jareeste ” ”70) Shuceyb Geedi ” ”71) Ciise Guure Cali Cundo ” ” 72) Cabdullahi Ganbiye ” ”73) Maxamed Xasan Diiriye ” ” 74) Maryan Weheliye Shilaal ” ” 75) Dr. Adan Cabdulle Gaabow ” ”76) Maxamed Shekh Ibraahim ” ”77) Yaxye Xaaji Mox’oud Geedow ” ”78) Cabdicadiim Shekh Mursal ” ” 79) Prof. Xasan Maxamed Cali ” ”80) Drs. Saciida Maxamed ” ”81) Inj. Badel Mohamed ” ”82) Inj. Ahmed Liibaan ” ”83) Dahir M. Abdulle ” ”
Set as favorite
Bookmark
Hits: 424
Trackback(0)
Comments (0)

Write comment




Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...
Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...
Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...
The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...
On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...