GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Sunday
Sep 07th
Home Jaaliyadaha Jaaliyadda Ogaadeenya.. oo ku Cambaaraysay Puntland

Jaaliyadda Ogaadeenya.. oo ku Cambaaraysay Puntland

E-mail Print PDF
Waxaa arrin laga murugooda ah dhacdada foosha xun ee Garowe ka dhacday 22kii Abriil 2008. Maamulka Puntland, isaga oo ku raali gelinaya taliska dhiigya cabka ah ee Addis Ababa ayuu taariikhda kor ku xusan cadowga ma naxaanka ah gacanta u geliyey muwaadiniin Somalida Ogaadeenya ah.
Waxaa kale oo Maamulkaasi xabsiga Boosaaso si silic ah ugu dilay muwaadin ka mid ahaa jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee ku nool Bosaaso. Wuxuu maamulkaasi iska indho saabay, xidhiidhka maslaxada dhinacyada badan ee labada shacab ee walaalaha ah ka dhexeeya oo ay dhacdadani si weyn u dhaawacayso. Taas oo markhaati u ah maamulka Garowe inayna matlin danaha shacabka soo doortay ee ku nool Puntland.

Taliska gacan ku dhiiglaha ahi kama oomana (kamana gaajaysna) dhiiga shacabka aan wax galabsan ee Somalida Ogaadeenya. Wuxuu si naxariis darro ah u gumaadaa shacabka aan difaaca haysan. waxaa xabsiyada gumeysiga ka buuxa kumaan-kun oo Soomaalida Ogaadeenya ah ujeedada ay gumeysatada Itoobiya ka leedahay in masuul ama muwaadin Reer Ogaadenya ah laga soo qabto Puntland ama gobol gobollada Soomaaliya ka mid ah waxay tahay.
  1. Inay colaad kala dhex dhigto labada shacab ee walaalaha ah sida ay Shacabka Jamhuuriyadda isugu hubaysay ee colaadda sokeeye u dhex dhigtay.
  2. Inay la kaashato Soomalida isku daygeeda burburinta halganka xaqa ah ee shacabka aan la loodin karin ee Soomaalida Ogaadeenya ugu jiro xaqa aayo ka talintiisa. Taas ooy geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay, horeyna ugu dhaqaaqday hase ahaate ay ku guul darraysatay.
Maamulka Garowe ujeedada Itoobiya inay darsaan ama fahmaan iyo natijada ka iman karta wax xil ah iskama saarin. Waana arrin nasiib darro ah oo naxdin leh. Maamulka Puntland waxaad moodaa inayna ku baraarugin xaqiiqada ah inay Itoobiya tahay cadowga koowaad ee shacabka Soomaaliyeed oo dadka Puntland ka mid yahay. Waxaa kale ooyna fahmin in Taliska Addis Ababa waqtigiisii maalmo la tiriyo ka hadhay oo aysan ahayn kii maanta loo duloobi lahaa. Waxaan u aragnaa in Maamulka Putland khaatumada iska xumeeyey, tallaabadaa uu qaadayna ayna marna hakinaynin halganka Gobonimadoonka ah ee shacabka Ogaadenya. Waxaan aad uga xunnahay shacabka aan walaalaha nahay ee ku nool Puntland oo innaba aan ka diirin ganacsiga iyo dilka uu maamulkoodu kula kacay dadka soo magan galay ee cadowga naxdinta daran ka soo cararay.

Cambaarayn
Annaga oo ah Jaaliyadda Ogaadeenya ee ku nool wadanka Australia waxaan aad u cambaareynaynaa
  1. Falkan foosha xun ee maamulka Puntland uu gacmaha dhiigga leh ee gumeysiga Itoobiya ku geliyey mawaadiniinta Ogaadeenya.
  2. Waxaan aad u cambaaraynaynaa Mohamed Yuusuf (Gaagaab) oo ah ninka u badheedhay dhacdadan foosha xun hadana isku dayay in uu dafiro wax sida dharaarta loo arko waxaanan leenahay gojoxo geel wax gunti la galiyo kaweyn waana taariikh adiga kuu gooni ah.
Waxaa layaab iyo fool xumo weyn ah bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe ee culimo, boqorro, cuqaal,iyo aqoonyahan leh in ay ka dhiidhiyi waayaan xadgudubka loo gaystay dad walaalohood ah oo marti u ah isla markaasna uu Maamulkii dhiibayi dafiray iyaguna ay goob joog yihiin.

Hadaba hadii ay reer Garoowe sidaas xaajada ku daayaan waxaanu u qaadanyaa in ay ku raalli yihiin dhacdadan taariikhda madaw galisay magaalada Garoowe.Waana dhacdo Soomaalida Ogaadeenya meel ay joogtaba ku reebtay uur kutaalo iyo tiiraanyo in badan la xusuusnaan doono lagana xisaabatmi doona.
Waxaanu xusuusinaynaa Shacabka Puntland hadii faa’iido lagu helayo kaganacsiga dadka
Ogaadeenya ama ay Itoobiya abaal ka celin waxaa faa’iido ka heli lahaa maamulkii jidkan suneeyay ee W/Galbeed waana laga dharagasn yahay cawaaqib xumaday ay reebtay.
Talo
Waxaanu ognahay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab oo ah mid lagu soo caana maalay, waxaadna moodaa dad dano gaar ah leh in ay wataan raalli galinta Itoobiya oo ay iska indho tireen waxa ka dhexeeya labada shacab. Hadaba waxaan ku talinaynaa in ay iska qabtaan shaqsiyaadka sida hoose Itoobiya wax ugu sheegtay.
Ugu damabyntii Shacbiga geesiga ah ee Ogaadeenya wuxuu hayaan ugu jira gobanimadiisa wuxuuna ballan qaaday in uusan cidna uga weecanaynin hadafkiisa.

Waxaan u sheegaynaa Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa garab taaganba in guusha kama dambaynta ah uu leeyahay xaq u diririka Ogaadenya.
Waxaan calaamka ugu baaqaynaa inay cambaareeyaan falka xuquuqul insaanka ka dhanka ah ee Maamulka Puntland ku kacay ee dad aan dambi iyaga ka gelin cadowgooda u dhiibay.
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Waddanka Australia
Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii  ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar   Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le   Inta la ogyahay tiro lixdan ruux kor u dhaaftay ayaa ku nafwaayay dagaalo ba’an oo ka dhaca...

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma?

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma? Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...

Somali Diaspora Congress Press Release

Somali Diaspora Congress Press Release The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...

Ethiopian Forces Continue to Commit Crimes Against Humanity on Somali Civilians

Fairfax, Virginia, U.S.A., 21 August 2008 – In full view of the International Community, Ethiopian...

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah