GOOBJOOG

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Thursday
May 22nd
Home Fanka & Suugaanta Gabaygii Dhamac. Waxa Tiryey Rooda Ibrahim

Gabaygii Dhamac. Waxa Tiryey Rooda Ibrahim

E-mail Print PDF

Gabaygan la magac baxay DHAMAC waxaa curisay Abwaanadda weyn Rooda Ibrahim Abdi Guray (Afjanno) waxayna ka tirisay  maamulka Puntland oo Tigrega u gacan galiyey rag ka tirsan halgamayaasha ONLF taasoo ka dhacday Boosaaso iyo Garoowe 12/04/2008 - 22/04/2008.


Intaa aad dhex joogteen adduun malaggu kaa dheelmin.

Qoraxdii dhacaysaba waxbay kuula soo dhalane.

Dhaka faar wax keeniyo farxadi waysu dhawdahaye.

Dhawaaqii Garoowiyo kayimid dhinaca Boosaaso.

Dhimbiil aad u kululbuu ahaa dhibic rasaaseede.

Dhagahaygu goortay maqleen dhirif i saameeye.

Dhamaan reer Ogaadeenya way wada dhalaaleene.

Dhuuxiyo quluubtaa na huri dhamal sidiisiiye.

Dhuug iyo intay baal cadani dhawda nagu hayso.

Dhanqaryadu nadayn mayso oo waan dhutinaynaaye.

Dhagax turun turiyo qoofalbaa dhadka noo galiye.

Boogta dhaymo waydiyo nabraha aan u dhaadhaco’e.

Illahay ha dhawree raggii cadawga loo dhoofshay.

Hooyooyinkii dhaawacmee dhaayaq lagu toogtay.

Iyo jeelka kii lagu dhex dilay ma aha dheeldheele.

Nimankii ku dhiiraday hadana dherebta saaraaya.

Dhogortii wadanigay tigree ugu dhawaadeene.

Dhabihii Hargaysay mareen barana sii dheere.

Dhooroof la’aanbay tubtii ugu dhaqaaqeene.

Dhudhubtaa qodxaha badan horaa loogu dhiidhyadaye.

Haday dhayal sadaan reer Puntland taladan dhooboowday.

Waxa ay dhashiyo waa mid ay yeelan dhaxalkeede.

Hadii maamulkaa dhagarta galay aan la dhagax tuurin.

Oon dawga ay dhinac mareen lagu dhaleecaynin.

Oo aan dhismaa dumahayee dhiidhi laga muujin.

Xumaatada in loo wada dhanyahay baa dharaar noqone.

Waxa ay dhashiyo waa mid ay yeelan dhaxal keede.

Culmida sharciga dheehatiyo dhigaha diinteena.

Odayada dhasiig lagu hirtiyo samaha dhawraaya.

Abwaanada dhambala ee murtida loogu shubay dhiilka.

Dhalintiyo aqoonyahanka aan dhiman damiirkoodu.

Dhumucdii haweenkiyo bulshada udub dhaxaadkeeda.

Dhacdadaa xanuunka leh haday dhiilo galin waydo.

Dhabna aan shacbigu uga gilgilan dhaqanku iimawye.

Aheey nimanka uu cunay dhurwaa loona dhigay gawska.

Dhimashadiyo way suga hayeen dhacan lasaaraaye.

Dhiig duudsiga ani ii gubi dhamac sideediiye.

Wuxuu dhimay nin diidoo indhaha dhoobo kuumariyay .

Waa ruux dhashiisii dafiray oo ka maray dhaare.

Ma wax dhuuman kari bay noqdeen nimanka dhaadheeri.

Duulkaa martidaa dhaylyadee dhoosha ka halgaaday.

Dhag xumada ayaa lala damcoo fure dharkoodiiye,

Haysisoo dhariijeen xishood waa horuu dhumaye.

Dhalaan raadad waawayn hadday dhaygag curiyeene.

Dhoodhoo miyaa lagaga hadhi wayska dhalanteede.

Dhamaantiinba Soomaaliyeey waad na dhababteene.

Intii aan dhufays ugu jireen nacabka dheel maayay

Dhibka aydun noo gaysateen xadadka soo dhaafye.

Dhasalaalaq iyo talo xumaa saa idiin dhigaye.

Waxba dheelalaw socodku yuu idinla dheeraane.

Dhaayaha bal fura meel sokaad dhawarysaan wali’e.

Gumaysiga na dhalan dooriyee dhaaxa nagu raagay.

Hadii uu na dhabanaanin jiray idinka oo dhaaddan.

Dhankiiniina waakaa tagee idinku dhaantayne.

Dhuubkaynu ugu wada jiraa namana dhaantaane.

Abeesadii na dhaadhyaysaybaad raarta dhigateene.

Dhunkaal iyo waxaad beerateen geed dhagmaanyo ehe.

Dhidibkiyo walaalnimadu waa labada dhoomoode.

Mid haduu dhan taalana kan kale way ladheeliyiye.

Dhinacaad jirteenbaa xumuhu nooga soo dhiciye.

Isticmaarka dhalan dhoolayaad dhabanka saarteene.

Anaguna waramha dhiiran ee dhabar jab gaadhsiiyay.

Iyo dhoonbir halisaan wadnaha kala dhacaynaaye.

Maxaynaga dhaxaynkara Tigree baad u dhurateene.

Nin waliba dhul waa leeyihiyo kobu ku dhaataaye.

Hadii lays dhex mari waayo oo dhoorka la is gooyo.

Dhito subag ah lama hela hayiyo dhayda caanaha’e.

Dhir magooshay iyo nabadu waa dheeha aadmiga e.

Da ku dhimata mooyee colaad wiil ku dhalan waaye.

Dhaayaha bal fura meel sokaad dhawraysaan waliye.

Dhuuryada Itoobiyo ninkii dharaq ka doonaaya .

Ama dhuuni nagu raadsanoow dhoohanaad tahaye.

Waligeedba dheef maysan helin ay ku dharagtaaye.

Dhafoor xumada kama guurto iyo dhuubni tag darane.

Dhiishii fakhriga loogu shubay dhalada loo saarye.

Dhandhamana ka heli maysid iyo dharab qoyaankiiye.

Dharigeeda gaajada aday kugu dhardhaarayne.

Dhar galkiyo wayaanaha xiligu wuu kadhacayaye.

Dhulkanagana waa laga xoreyn dhuudhigaayimide.

Dhaaraan ninkii noqonhayo kuu dhamays tiraye.

Madhex maro wayaanuhu habeen suuqa Dhagaxbuure.

Way soo dhawdahay guusha aan dherersanaayaaye.

Dhirbaaxiyo ushaba waan karraa dhubuqle waashoowe.

Dhawrsanaada Soomaaliyey wax idin dhaadhaanye.

 


Rooda Ibrahim Abdi (gurey)

This e-mail address is being protected from spambots, you need JavaScript enabled to view it


Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Khilaafka Isbahaysiga Ma laga macaashi karaa?

Khilaafka Isbahaysiga Ma laga macaashi karaa? Waxaa maalamahan aad isu soo taraya hadal haynta la xiriirta khilaaf la sheegayo inuu Isbahaysiga so...

"Is-dhiib "Hilinnadii cadaabta

Waa dabciga aadamiga iyo noolaha oo dhanba in haddii degaanka lagu nool yahay si uun u xumaaado in m...

Qaranimmo iyo Islaamnimadu Ma Ka Qaalib Noqon doonaan Qabyaaladda.

Waxaa shacabka Soomaaliyeed oo wadaaga dhaqan, diin, luqad, qowmiyad fara ba’an ku hayey sanadihii...

Kenya in the Somali crossfire

Kenya in the Somali crossfire The assassination of a Somali al-Qaida affiliate overshadows peace talks, with Kenya vulnerable to t...

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 2)

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 2) Introduction In Part One of my assessment of the impacts of Ethiopia’s invasion of Somalia, I tr...

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 1)

The Impacts of Ethiopia’s Invasion of Somalia (Part 1) Introduction US-backed Ethiopian forces invaded Somalia in December 2006. Meles Zenawi had t...

مقتل ”عيرو“ وتداعياته على الصراع الصومالي

مقتل ”عيرو“ وتداعياته على الصراع الصومالي أعلن البنتاجون بنشوة مقتل الزعيم الشاب آدم حاشي عيرو ز...

اتحاد المحاكم الإسلامية في الصوم

اتحاد المحاكم الإسلامية في الصومال : النشأة، الت...

ذروة الإرهاب الاثيوبي في الصومال

ذروة الإرهاب الاثيوبي في الصومال في مشهد يعيد الي الأذهان مذبحة دير ياسين في فلسطين عام ...

Badeeco Rakhiis ah