GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Sunday
Sep 07th
Home Fanka & Suugaanta Gubaabo Qaran(1952) Cismaan Yuusuf Keenadiid

Gubaabo Qaran(1952) Cismaan Yuusuf Keenadiid

E-mail Print PDF
Cismaan oo ahaa abwaan aad looga yaqaan geyiga Soomaaliya caanna ku ahaa ururinta suugaanta Soomaalida ayaa tiriyey gabaygan guubaabo gumeysi-diid iyo xornimo-doon ah oo uu soomaalida ku tirtirsiinaayey, kaasoo soo baxay xilligii gumaysiga reer-galbeedku ku hawllanaa inay gobannimadoonka Soomaalida kala dillaalaan ama isku diraan oo rag aan loo malaynaynin masallaha seexsaday. Gabaygan oo uu abwaanku tiriyey 1952 Ma moodaa inuu maanta Soomaalida la hadlayo? Waa kan gabaygii:

Maan-yariyi Soomaali waa, meheraddeediiye
Maslaxadeedi garan weydey iyo, marinki toosnaaye
Macnahay ku noolan lahayd, maluhu siin waaye
Maamuus la’aan lagu waday, moodayaan nolole
Miis-xuamada haysa iyo dulligu, waw macaan yahaye
Mabsuud weeye baadidoon waxay mudanhayaan ceebe
Muslinnimada sida loo mud-muday, kama masayraane
Maqaanxumada waxajoojey waa muran dhexdoodaaye
Iyagaysu muuqanhayee, moog adduunyada e
Murtiday lahaayeen ayeey, magic ku waayeene
Muwaafaqo kolkii laga gefaa, mowtigood galaye
Anigaa ku miro dhaamayaa, meleg u saarnaaye
Macriifa uma yeeshaan wuxuu, baran masaalkoodde
Macaamilada aadamigu ku jiro, laga madoobeeye
Mardabada addunkiyo cilmigu, umaba muuqdaane
Magan bay shisheeye  u yihiin, meel la joogaba e
Maalin noolba nimanbaa ku fala, waxay ka maagaane
Muquuney ahaayeen sidii, maal la leeyahaye
Raggii madaxdu ka xumaato waa, marin habaabaaye
Kuwii maqaddimada looga dhigay, waa manfaca-raace
Mar maxaad cuntaan keliya yuu yahay, maqsuudkoode
Nin mushaharo eexeynayaa waa, miskiin dhabahe
Muddiic waxa ka dhigay wa inuu, maarmi-waa yahaye
Muddaafacana seeg iyo inuu, maya yiraahdaaye
Culimadiina damac baa melgoo, mooyi say tahaye
Milladdiyo shareecada bar baa, maal ku iibsadaye
Marsiis iyo maddiidduu ku dhacay, magane diinkiiye
Masala-gaabka iyo ways hayaan, kii mufti ahaaye!
Ardadaa mujaadilo la geli, macallinkeediiye
Midkii dhawr masalo soo bartaan, maaro loo heline
Makastiyo intii caamahay, madax-wareersheene
Hadba xaal muraad lagu wataa, layna maqshiine
Waa waxaan Minhaajkiyo Tuxfaha, meelna kaga oolle!


Waxaa Y. Bullaale ka soo guuriyey Buuga uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise ee “Hilimada Maansadii hore II”, 2005

Trackback(0)
Comments (0)add comment

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin

Cagahaada Isku taag Cadawna ha isu Loogin Bulshada Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii  ay inta badan wadamada dunida 3aad ka xaroobeen gumaysigi...

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar

La Mood Noqonse Weydey Jawaab Dhambaalkii I M Samatar   Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraa...

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le

Gummaad Sokeeye Ragbaa Gees Baciid u le   Inta la ogyahay tiro lixdan ruux kor u dhaaftay ayaa ku nafwaayay dagaalo ba’an oo ka dhaca...

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma?

Miyay adag tahay helitaanka nin kuu qalma? Maalin ka mid ah bisha Agosto kulka cadceddana yahay meel-dhexaad ayaa waxaa halka baska l...

Somali Diaspora Congress Press Release

Somali Diaspora Congress Press Release The Ethiopian forces in Somalia have massacred 50 civilians in one incident on the road between Moga...

Ethiopian Forces Continue to Commit Crimes Against Humanity on Somali Civilians

Fairfax, Virginia, U.S.A., 21 August 2008 – In full view of the International Community, Ethiopian...

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska

Press ReleaseSubject: Massacre in Beled-Weyne and Arbiska On 15 and 16 August, the Ethiopian occupation forces massacred more than 90 civilians in Mogadishu, ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah