GoobJoog

Qaramada Midoobay oo Xaaladda Somalia rajo wanaagsan ka muujisay
Qaramada Midoobay ayaa rajo wanaagsan waxa ay ka muujisay xaaladda wadanka Soomaaliya oo dagaallo aad u xoogan ay iminka kasoconayaan isla markaasina alshabaab iyo dowladda ay meel adag kala marayaan.

Lynn Pascoe Kaaliyaha xoghayaha guud ee Q.M ee qaabilsan arrimaha siyaasadda oo shir jaraa’id Nairobi ku qabtay kadib booqasho saacado ah oo Muqdisho uu kusoo gaaray isla markaasina magaalada Muqdisho kulan kula soo qaatay Madaxweyne Sh. Shariif ayaa sheegay in uu si weyn u aaminsan yahay in dhibaatada ka taagan Soomaaliya laga gudbi karo.

Kaaliyaha xoghayaha guud u qaabilsan Siyaasadda ayaa sheegay in markii uu tagay magaalada Muqdisho uu indhihiisa ku soo arkay xaqiiqda dhabta ah, uuna garwaaqsada dadaalka xoogan ee ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya wado.

Lynn Pascoe, ayaa sheegay in inkastoo maleeshiyaadka Al-shabaab ay weeraro iyo caburin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, hadana ay magaalada Muqdisho ka socdaan dhaqdhaqaaqyo badan oo ay Muqdisho ka sameynayaan.

Lynn Pascoe, ayaa ku ammaanay ururka midowga Africa iyo urur goboleedka IGAD dadaalka ay ugu jiraan sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka ka taagan, wuxuuna ballaan qaaday in Q.M ay sii xoojin doonto taageerada ay midowga Africa iyo AMISOM ka siineyso howlaha nabadda Soomaaliya.

Diyaar garowga Ciidda oo Muqdisho kasocda xilli Suuqa Bakaaraha uu xiran yahay
Waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha nabadda ay kajirto ee aan dagaaladu kasocan laga dareemayaa sanadkani diyaar garow weyn oo loogu jiro ciida barakeysan ee bisha soon fureed.

Diyaar garowga ayaa waxa uu kasoconayaa sida muuqata deegaannada dowladda ay gacanta kuheyso maadaama dhaq dhaqaaqii ganacsi ee kasocday Bakaaro loosoo wareejiyay dhanka Suuqa Degmada Xamar weyne.

Carwooyinka iyo goobaha kale ee ganacsi ee degmada X/weyne ayaa si aad ah u shaqeynaya maalmahani hayeeshee majirto sanadkani ganacsi cusub oo kusoo kordhay maalmaha ciida, waxaana horey loo arki jiray dhar noocyo cusub, alaabta ay caruurta ku cayaaraan oo noocyo cusub leh iyo waxyaabo badan oo kala duwan hayeeshee sanadkani ma badna suuqyada Muqdisho wax yaala oo indhahaaga ay si aad ah u soo jiidanayaan.

Sanadkani inkastoo dadku ay ku hami weyn yihiin inay iideystaan hadana waxa jira baqdin ah in Kooxda Alshabaab ay qaraxyo maalinta ciida ka fuliyaan goobaha la isugu yimaado iyadoo dhowaanna dowladda Federaalka arrintaasi ay aad uga digtay.

Maamulka Degmada X/jajab oo kawarbixiyay Hawlgaladii ugu dambeeyay ee degmadaasi
Iyadoo maalmahani dambe hawlgallo ammanka lagu sugayo Gobolka Banaadir ay kasoconayaan qeybo kamid ah degmooyinkaasi ayaa waxaa hawlgaladii ugu dambeeyay laga fuliyay degmooyinka X/jajab iyo Waaberi.

Maamulka Degmada Xamar jajab ayaa ka warbixiyay hawlgallada ay fuliyeen maalmihii lasoo dhaafay iyo dadkii ay kusoo qab qabteen isaga oo xusay in hawlgalladaasi lagu guuleystay isla markaasina natiijo weyn laga gaaray.

Gudoomiyaha maamulka dowladda KMG ee degmada Xamar Jajab C/baasid ayaa oo saxaafada kula hadlay degmadaasi ayaa sheegay in ay kusoo qab qabteen dad fara badan oo qaar dambi lagu heysto qaarna eedeysaneyaal ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay howlgaladaasi inay wax badan ka badaleen xaaladaha ammaanka ee degmada inkastoo mar wax laga weydiiyay in uu faah faahin ka bixiyo tirade dadka ay kusoo qab qabteen uu si aad ah uga gaabsaday.

Dowladda federaalka ayaa dadaal ugu jirta sidii Ammaanka degmooyinka 6-da ah ee ay gacanta kuheyso u hubsan laheyn inkastoo degmooyinkaasi ay mararka qaar ka dhacaan falal dilal iyo qaraxyo isugu jira.

Ururka Alshabaab oo sheegay in ay baqdin ka qabaan cirka in laga soo duqeeyo
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka Alshabaab Cali Maxamed Xuseen (Cali Jeesto) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Suuqa Bakaaraha ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladaha ugu dambeeyo ee dalka.

Waxa uu ugu horeyn ka hadlay Xaaladda Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dagaalladii ay qaadeen meel wanaagsan ay marayaan oo guulo la taaban karo ay ka gaareen dagaalladaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mar waliba ay dhacdo Suuqa Bakaaraha in la iska duqeeyo taasina ay tahay qalad maadaama Suuqa Bakaaraha aanu jirin wax qalad ah oo uu galay isaga oo isweydiiyay haddii Suuqa Bakaaraha gaar ahaan dhinaca dahablaha iyo meelaha ay madaafiicda kusoo dhacaan haddii laga soo tuuro madaafiic iyo haddii kale.

Cali Jeesto waxa uu sheegay in labo gaari oo kuwa gurmadka deg degga ah ay u diyaariyeen dadka kudhaawacmaya Suuqa Bakaaraha, waxaana labadaasi gaari ay kusoo bandhigeen maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha.

Waxa uu xusay in gaadiidkaasi ay ka shaqeyn doonaan daabulka dhaawac waliba oo madaafiicda Amisom ay soo tuuraan dadka kudhaawacma hayeeshee waxaa is weydiin mudan halka ay geyn doonaan gawaaridaasi Alshabaab ay leeyihiin dhaawacyada ay qaadaan maadaama aysan imaan Karin goobaha ay dowladda federaalka maamusho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay dooneyso Suuqa Bakaaraha in laga soo wada guuro si ay uga dhigaan meel lagu kala yaacay sidaasina ay tahay waxa ay marwaliba madaafiicda ugu soo garaacayaan Bakaaraha ayuu yiri Cali Dheere.

Ugu dambeyntii waxa uu soo bandhigay nin kulabisnaa Dress-ka Ciidamada Dowladda oo uu sheegay inuu kamid ahaa Ciidamada Dowladda uuna u soo goostay dhinaca Alshabaab iyaguna ay magangelyo siiyeen.

Maxamed Dheere oo beeniyay in gurigiisa Ay shabaab u soo dhowaadeen
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa beeniyay warar maalmahani dambe la isla dhexmarayay oo ahaa in Maleeshiyaadka Alshabaab ay kusoo dhowaadeen guriga uu ka degan yahay Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay Maxamed dheere in warkaasi uu yahay mid been abuur ah isla markaasina gurigiisa aanu weli cidna u soo dhowaan isaga oo xusay weli in halkiisa uu degan yahay oo aanu jirin xittaa in uu ka cararay.

Sidoo kale khasaaraha soo gaaraya Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay mas’uuliyadeeda in ay qaadayaan Kooxda Alshabaab oo uu ku eedeeyay in dadka ay wax kasoo dhex ridaan taasina ay tahay wax lawada ogsoon yahay.

Maxamed Dheere sidoo kale waxa uu Sheegay in kooxaha Alshabaab ay adeegsadaan dharka dumarka marwaliba oo ay doonayaan in ay weeraro gaadmo ah soo qaadaan, waxaana arrintaasi uu ku tilmaamay mid ay ku cayaarayaan sharafta labiska haweenka Soomaaliyeed isaga oo dadka uga digay arrimahaasi in laga feejignaado.

Hadalka kasoo baxay Maxamed Dheere ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan Alshabaab ay sheegteen in ay gaareen guryaha sida aadka ugu dhaw halka uu Maxamed Dheere ka degan yahay degmada Shangaani inkastoo illaa iyo hadda alshabaab dagaaladani ay bilaabeen wax guulo muuqdo aysan ka gaarin marka laga reebo in ay kordhiyeen dhibaatada Shacabka Soomaaliyeed heysata.

Qaraxii shalay dad rayid lagu xasuuqay oo dowladdu ay cambaareysay
Gelinkii dambe ee shalay oo dad badan Suuqa Bakaaraha markii ay kasoo laabteen u kala hoyanayay qeybo kamid ah Muqdisho iyo deegaannada loo barakacay ayaa gaadiidkooda xilli uu sii marayay wadada Warshadaha gaar ahaan halka loo yaqaano haanta dheer ayaa waxaa kula kacay halkaasi miino horey loo dhigay.

Miinadaasi ayaa waxa ay dhibaato weyn u geysatay dadkii gaadiidkaasi saarnaa, waxaana gaadiidka miinada waxyeellada ay kasoo gaartay lagu sheegay illaa 3-gaari in ay ahaayeen oo qaar u socday qeybo kamid ah Muqdisho qaarna Afgooye ay ka yimaadeen.

Waxaa halkaasi ku geeriyooday 10-ruux tiro intaasi kabadanna waa ay kudhaawacmeen inkastoo goobaha caafimaadka si deg deg ah loogula cararay, waxaana dadkii kale ee halkaasi marayay ay ka muujiyeen wal wal xoogan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta dowladda federaalka ayaa lagu cambaareeyay qaraxaasi iyadoo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyaan ururka Alshabaab oo doonayay in ay la kiciyaan miinadaasi Ciidamada Dowladda laakiin Shacab maati ah ay kulaayeen.

Warsaxaafadeedkani oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kooxda Alshabaab markii ay waayeen awoodooda in ay meel ku qabsadaan ay bilaabeen in shacabka ay sidani oo kale u xasuuqaan.

Maalin kahor ayay aheyd markii wadada shalay qaraxa uu ka dhacay meel kudhaw gaar ahaan Agagaarka kuliyaddii hore ee jaalle Siyaad ay Ciidamda Brundi halkaasi rasaas ay ooda kaga qaadeen dad fara badan oo lugeynayay wadadaasi kadib markii ay gaadiid soo waayeen xilliguna uu ramadaan yahay, waxaana ku dhaawacmay dad fara badan inkastoo aanu jirin cid ka hadashay.

Masaajidyada Baydhabo oo laga mamnuucay in Salaada Tahajudka lagu tukado
Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi laga mamnuucay ku tukashada jamaaco lagu tukto salaadda Tahajudka oo dadka inta badan ay tukadaan 10-ka ugu dambeeya ee Bisha Ramadaanka.

Ururka alshabaab ayaa arrintani ah in masjidka jamaaco lagu tukado ka diiday dadka kusugan Magaalada Baydhabo saladdani tahajudka, waxaana ay Amar  kasoo saareen Baydhabo Alshabaab in salaadda Tahajudka aanan lagu tukan Karin masaajida waaweyn ee magaalada Baydhabo, waxaana lagu amray dadka qofkii doonaya in uu tukado in uu ku ekaado gurigiisa oo halkaasi uu ku tukado.

Amarkani ay soo saareen Alshabaab ayaa ka dambeeyay kadib markii la arkay in dad badan ay isku diyaarinayaan Tobanka dambe ee ramadaanka in ay salaadda kusoo tukadaan jamaaco ahaan masaajidyada Magaalada Baydhabo.

Arrinta salaadda Tahajudka in lagu tukado Masaajida ayaa waxa uu yahay arrin khilaaf ka taagan hayeeshee waxaa xilligani culumo badan ay isla garteen in masaajida lagu tukan karo inkastoo kooxda salafiyada ay arrinkaasi diidan yihiin.

Sh.Xasan Daahir oo wax lalayaabo ku tilmaamay baaqii shalay ee Sh.Shariif
Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa shir jaraa’id oo maanta Magaalada Muqdisho uu ku qabtay kaga hadlay dagaalada kasoconaya Magaalada Muqdisho inkastoo xoogga dagaalkaasi ay Alshabaab leeyihiin.

Isaga oo xiran dress-ka Milatariga sitana qoriga AK47 ayaa Xasan Daahir waxa uu sheegay in wax aad looga xumaado ay tahay xilligani in ciidamo dheeri ah loo qeylo dhaansado iyadoo dalka dadkii kusugnaa ay dhibaato xoogan kala kulmayaan ciidamada shisheeye ee iminka jooga.

Sidoo kale Xasan Daahir waxa uu ugu baaqay Dowladda Sheekh Shariif in ay meesha isaga tagto maadaama ay sii tabar dareyneyso oo aysan waxba ku heynin dalka marka laga reebo shacabka oo dhibaatooyin ay kusoo kordhinayaan sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ugu baaqay Xasan Daahir Ciidamada Amisom in ay dalka isaga baxaan maadaama aysan waxba ku heynin kuwii keensdayna aysan waxba u qabaneynin isaga oo ku wargeliyay haddii ay sii joogaan dalka in ay la kulmi doonaan dhibaatooyinka hadeer heysta kuwa kasii waaweyn.

Waxa uu ugu hanjabay in maalinwaliba ay ku dhiman doonaan gudaha Soomaaliya oo iyaga oo aanan nabad qabin dalkani laga wadi doono haddi aysan taasi dooneyninna waxa uu sheegay in ay haboon tahay in ay isaga tagaan dalka Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay Sheekh Xasan Daahir Aweys Hoggaamiyaha Xisbul Islam ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii shalay Warsaxaafadeed uu soo saaray madaxweyne Shariif kaga dalbaday Beesha Caalamka in ay gurmad deg deg ah lasoo gaaraan oo aysan ku deynin la dagaalanka Alqaacidada Soomaaliya Dowladda TFG kaligeeda.

Ciidamada Amisom oo shaki weyn ka qaaday Shaqaalaha Madaxtooyada
Ciidamada Amisom ee kusugan Magaalada Muqdisho ayaa shaki aad u weyn waxa ay ka qaadeen Shaqaalaha kusugan Xarunta madaxtooyada oo shalay Ciidamo badan oo kuwa Amisom ay ku geeriyoodeen kadib markii madfac ay soo rideen Alshabaab uu ku habsaday.

Saraakiisha amisom ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen wadatashi ah sidii loo xadidi lahaa Shaqaalaha Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia maadaama wax hawl badan oo ay ka qabanayaan xaruntaasi aanu jirin oo hawsha Xaruntaasi oo dhan iyagu ay hayaan.

Amisom waxa ay si aad ah u shakiyeen in maalinkii shalay markii ay ciidamadooda isku habeynayeen Gudaha Madaxtooyada aanu jirin cod ogeyd kahor inta aysan soo safan Gudaha Madaxtooyada aanu wax madaafiic ah lagu soo garaacin laakin markii ay bilaabeen in ay isku dhex habeeyaan gudaha Madaxtooyada ay kusoo bilaabatay Madaafiic hayeeshee ugu dambeyntii halkii ay kusugnaayeen dhowr madfac lala helay.

Shakigani kadib Amisom waxa ay isla shalay iska soo dheereeyeen qaar kamid ah dad ka shaqeeya madaxtooyada oo ay kashakisan yihiin inkastoo weli aysan qaadan go’aanka ah in ay kasoo saaraan dadka qaar xarunta Madaxtooyada.

Madaxda Xarunta Madaxtooyada ayaa wada tashi yeelan doona kadibna waxa ay si toos ah uga soo saari doonaan Xarunta Madaxtooyada inta ruux ee laga shakisan yahay iyadoo inta ku hareysa ay iyaguna ku shaqeyn doonaan si xadidan oo dhaq dhaqaaqooda dhinaca gudaha Villa Somalia la xadidi doono.

Taangiyaal Casri ah oo Amisom dekedda Muqdisho uga soo degay
Xilli dagaaladii ugu xooganaa ay ku heysato Magaalada Muqdisho isla markaasina lagu bilaabay taangiyadooda in laga gubo ayaa Taangiyo Casri ah loo keenay Ciidamada Amisom dhowaanna Dekedda Muqdisho looga soo dejiyay.

Taangiyadani ayaa xawaaraha marka loo eego waxa ay ka dheereeyaan gaadiidka caadiga ah ee raaxada oo xawaarahooda uu aadka u sareeyo, waxaana qalabka kuxiran lagu sheegay in uu yahay mid casri ah oo dagaallada jiida hore geli kara oo aan wax baqdin ah laga qabi Karin.

Taangiyadani ayaa waxaa laga soo dejiyay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho hayeeshee nalama soo gaarsiin tirada saxda ah ee taangiyadaasi, waxaana caado ah in dekedda weyn marka Ciidamada amisom hub uga soo degayo in la xiro dekedda oo hakad lageliyo dhaq dhaqaaqa dekeddaasi kasocda.

Lama garanayo taangiyadani casriga ah waxa ay kusoo kordhin doonaan saaxada dagaalka ee Soomaaliya waxaana Amisom ay horey wax ugu tari waayeen oo ay ugu dagaalami waayeen taangiyada ay heystaan iminka iyadoo mid kamid ahna oo kugubtay degmada C/casiis ay sheegteen Alshabaab in iyagu ay gubeen.