Bogga Hore » Siyaasadda
Waxaad ku dhex jirtaa hadda qaybta “Siyaasadda”
Galabta ayaa markale dagaal culus waxa uu kabilowday waqooyiga Magaalada Muqdisho, waxaana la isku adeegsanayaa hub aad u culus oo muqdisho qeybo kamid ah si aad ah looga maqlayo.
Dagaalka ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya Ciidamada Amisom, waxaana taangiyadooda ay kala soo baxeen Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho iyaga oo ku biiray ciidamada dowladda ee kusugan [...]
March 10 2010 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda, Wararka | Sii aqri »
Dhinacyada dowladda iyo Alshabaab ayaa waxa ay ka hadleen dagaaladii maanta iyadoo Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay warbaahinta uu sheegay in dagaalkii saakay ay guul weyn ka gaareen isla markaasina ay kula wareegeen Hotelka Global halkaasi oo iminka ay kusugan yihiin.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay rajeynayaan in ay [...]
March 10 2010 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda, Wararka | Sii aqri »
Maleeshiyaad aad u fara badan ayaa saakay waxaa lagu arkay Suuqa Bakaaraha kuwaasi oo lasheegay in ay katirsan yihiin Xisbul Islam, waxaana ay ahaayeen kuwa roondo sameeynayay.
Maleeshiyaadkani oo aad u tiro badnaa ayaa waxa ay ahaayeen kuwa ku wareegayay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha illaa xaafadaha kudhaw Suuqaasi.
Maleeshiyaadkani xisbul Islam ayaa waxa ay u socdeen [...]
March 10 2010 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda, Wararka | Sii aqri »
Dagaaladii xooganaa ee saakay ka dhacay waqooyiga Magaalada Muqdisho qeybo kamid ah ayaa waxaa ka hadlay oo guulo ka sheegtay taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.
Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin oo isaga oo kusugan halka dagaalka uu kasocdo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kooxdii saakay weerarka kusoo qaaday fariisinka ciidamada dowladda ay [...]
March 10 2010 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda, Wararka | Sii aqri »
Salaaddii Subax kadib ee saakay waxaa dagaal xoogan oo kubilowday qaraxyo uu ka dhacay degmooyin kamid ah waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Dagaalka oo socday maanta saacado badan isla markaasina bilowday salaaddii subax kadib ayaa waxaa lasheegay in ay kawada qeyb qaateen Xisbul Islam iyo Alshabaab.
Hubka la isku adeegaday ayaa waxa uu soo gaarayay degmooyinka kudhaw halka dagaalka [...]
March 10 2010 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda, Wararka | Sii aqri »
Barre Cali Barre oo kamid ahaa saraakiisha ururka Xisbul Islam ayaa maanta barqanimadii waxaa lagu dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha xilli uu suuqaasi iska dhex marayay.
Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa waxa ay kudileen agagaarka MAchadka lagu barto maadada Computerka ee Socomin, waxaana halkaasi uu ka sameeyay iska caabin inkastoo tiisa ay dhamaatay.
Dad goobjoogeyaal ah oo xilligaasi [...]
March 9 2010 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda, Wararka | Sii aqri »
Muwadin Soomaaliyeed oo looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay kooxaha Mayalka adage e Soomaaliya ka dagaalanta halkaasina tababar kusoo qaatay ayaa lagu wadaa dhowaan in Maxkamad lagu soo taago wadanka Mareykanka gaar ahaan Magalada New York.
Xafiiska dacwadaha Mareykanka ayaa laga sheegay in ninkani lagu eedeynayo in uu tababar kusoo qaatay wadanka Soomaaliya soona bartay [...]
March 9 2010 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda, Wararka | Sii aqri »
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta shirar badan kula yeeshay magaalada London madax ka tirsan dowladda Britain, isaga oo Madaxweynuhu ugu horrayn la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska David Milband, kaddibna ay kulan yeesheen Ra’iisl Wasaare Gordon Brown.
Kulamadaas dowladda Britain waxa ay u ballan qaadeen in ay dowladda Soomaaliya u fuliyaan dhammaan codsiyadii ay u gudbiyeen. [...]
March 9 2010 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda, Wararka | Sii aqri »
Gabaldhicii galabta ayaa dagaal xoogan ayaa waxa uu ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho inkastoo aanu geysan wax khasaare ah sida dadka deegaanka ay soo sheegayaan.
Dagaalkaasi ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda iyadoo la isku adeegsaday hubka kala duwan kaasi oo dad badan argagax geliyay.
Majirto wax khasaare ah oo uu sababay [...]
March 8 2010 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda, Wararka | Sii aqri »
Dagaal ka dhacay maanta qeybo kamid ah Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa lasoo sheegayaa inuu ku geeriyooday sarkaal muhim ah oo katirsanaa Ururka Alshabaab.
Sarkaal katirsanaa Ururka Alshabaab ayaa ku geeriyooday israsaaseyn kooban oo ka dhacday Isgoyska Sanca ee Gobolka Banaadir halkaasi oo ay kooxaha islaamiyiinta kusugan yihiin.
Habka dilkani uu u dhacay oo warar kala duwan laga [...]
March 8 2010 | Lagu daabacay qaybta Siyaasadda, Wararka | Sii aqri »