Bogga Hore » Dhaqaalaha
Waxaad ku dhex jirtaa hadda qaybta “Dhaqaalaha”
Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka sh/dhexe ayaa sheegaya in dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah halkaasi uu ka dhashay oo dadka ay ka cabanayaan.
Dhibaatada dhinaca dhaqaalaha waxa uu kayimid kadib markii uu ku fatahay beeraha degmadaasi wabiga mara Gobolkaasi, waxaana kasoo gaaray khasaare xoogan.
Haweenka beeraleyda ah ayaa waxa ay sheegeen in xilli beertooda [...]
May 22 2010 | Lagu daabacay qaybta Dhaqaalaha, Wararka | Sii aqri »
Suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa sare u kac kuyimid lacagta lagu sarifo dollarka mareykanka oo maalmo kahor sida uu ahaa waxweyn uu iska badalay.
Sare u kaca ayaa lasheegayaa in labo arrimood midkood ay sabab u yihiin kuwaasi oo kala ah baqdin laga qabo in dowladda ay dhaqan geliso dhowaan lacagaha cusub ee iyadu [...]
May 19 2010 | Lagu daabacay qaybta Dhaqaalaha, Wararka | Sii aqri »
Qaar kamid ah dadka ka ganacsada qaadka ayaa kudhaqaaqay shaqo joojin kadib markii dhibaato xoogan ay kala kulmeen dhanka maamulka Xisbul Islam.
Gaadiidka qaadka kasoo qaadi jiray Sh/hoose gaar ahaan garoomada macmalka ah ee halkaasi kuyaalla ayaa waxa ay kudhaqaaqeen shaqo joojin mana jirto wax hawl ah oo maanta ay halkaasi ka qabteen.
Gaadiidleyda ayaa waxaay [...]
April 17 2010 | Lagu daabacay qaybta Dhaqaalaha, Wararka | Sii aqri »
Dagaallada kajira magaalada Muqdisho ayaa waxa ay noqdeen kuwa bulshada qeybaheeda kala duwan dhinac waliba ka saameeya iyadoo iminkana saameyntaasina iminka ay kajirta Degmada Boondheere.
Waxaa kamid ah saameyntaasi in biyaha uu ka noqday degmada Boondheere mid aad qaali u ah, waxaana la ogsoon yahay biyaha in uu kamid yahay waxa ugu weyn ee qofka aadanaha [...]
April 3 2010 | Lagu daabacay qaybta Dhaqaalaha, Wararka | Sii aqri »
Wararka inaga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in hoos u dhac uu kumid qiimaha Kalluunka lagu kala iibsado.
Mid kamid ah dadka deegaankaasi oo saakay uga warbixinayay GOOBJOOG sababta keentay in qiimaha kalluunka uu hoos u dhoco ayaa ah xilliga iyo jawwiga oo kuleel noqday.
Jawwiga ayaa marka uu kululaado [...]
March 23 2010 | Lagu daabacay qaybta Dhaqaalaha, Wararka | Sii aqri »
Magaalada Muqdisho duleedkeeda oo weli ay ka taagan yihiin xaalado dhinaca nolosha ah iyo sidoo kale Gobolada dalka qeybo kamid ah kadib markii dagaaladii ugu xumaa ay ka dhaceen magaalada oo halkaasina ay gaareen dad barakaceyaal ah ayaa barnaamijka Cuntada Adduunka waxa ay ka daba geeyeen dadkaasi deeqo kala duwan.
Deeqahaasi laga dabageeyay ayaa waxaa hor [...]
March 1 2010 | Lagu daabacay qaybta Dhaqaalaha, Wararka | Sii aqri »
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli waxa ay wadaa qorshaheeda ku aaddan sidii ay u soo sameyn laheyd lacago shilin Soomaali ah taasi oo daabacaadeeda ay kula soo heshiisay magaalada Khartuum shirkado Lacagta daabaca oo Sudan kusugan.
Hadaba Madbacadaha Lacagta sameeya ee wadanka Sudan ayaa waxa ay dhameystirteen agabkii ay dowladda Sooomaaliya ugu soo daabici lahaayeen lacagta [...]
February 23 2010 | Lagu daabacay qaybta Dhaqaalaha, Wararka | Sii aqri »
Hay’adda Samafalka ee African Relief Fund ayaa xarumo kala duwan ku leh Geeska Afrika iyo boqortooyada ingiriiska ayaa bishii lasoo dhaafay deeq mucaawimo ah ka qaybisay degaan ka tirsan gobolka Waqoyi bari ee Kenya.
Deeqdan ayaa hay’addu u qaybisay dadka degan jiidda wabiga ee ku dhaw magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.
Dadka deeqdan la gaarsiiyey ayaa ahaa [...]
February 7 2010 | Lagu daabacay qaybta Dhaqaalaha, Wararka | Sii aqri »
Safaaradaha Dowladda Soomaaliya ay kuleedahay wadamada Yurub ayaa lasheegay in dhowaan albaabada la isugu dhufan doono kadib markii dhaqaale xumi aad u daran ay lasoo deristay dowladda federaalka.
Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda KMG Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali oo u waramayay Idaacada BBC-da ayaa waxa uu sheegay in dowladiisa ay xiligan ku howlantahay qorshayaal ay [...]
February 5 2010 | Lagu daabacay qaybta Dhaqaalaha, Jaaliyadaha, Wararka | Sii aqri »
Markabkii dhowaan kooxaha burcad badeedka Soomaalida ay kasoo afduubteen gacanka cadmeed ayaa lasoo sheegayaa in la geeyay meel kudhaw degmada Laasqoray gaar ahaan xeebta Gacan loo yaqaano.
Markabkani oo laga leeyahay wadanka Liibiya laakiin ka baba nayay calanka wadanka waqooyiga Kuuriya ayaa lasheegay in kooxda Burcad badeedka halkaasi ay kusoo xireen laakiin ay dagaal jidka kusoo [...]
February 5 2010 | Lagu daabacay qaybta Dhaqaalaha, Wararka | Sii aqri »