Waxaan halkaan idinkaga soo gudbinayaa shir xasaasi ah oo mujaahidiinta uga furmey mucaskarka al qac qaac oo ku yaala degmada Dayniile. Mujaahidiintu guulo waaweyn ayey ku tallaabsadeen, waxaanan jecleystey inaan bishaaraatkaas idinla wadaago oon akhbaarta idin siiyo, iyo qorshayaasha nala gudboon oon higsaneyno wax ka mid ah.Mar dhow Alaskey mujaahidiintu ka khudbeyn doonaan. dadka asalkaa oo dhulka [...]
Sheeko Gaaban oo Sawiraysa Faham-diineed:” Saar”
Waa xujo:Haddii burur kaa dhab yahay,Billaabada dhiig u yeel,Helleey helleey! Raggu markuu meeriska kore maqlo, way is jarjaraan. Dhiig iska keenaan. Ama fuley ha ahaado ama geesi. Ama doqon ama fariid. Wuu xujeysan yahay. Waa waaqaca saarka. Waa dhaqan aan dhammaad laheyn—sida dagaalka sokeeyaba uu [...]
Nabaddoon (Guurow): Walaalow Nabadda Dhawr
Walaalow nabadda dhowr
Wadaadow rasaasta dhiga
Dhambaallada culimadiyo
Duqeydaas dhaqanka iyo
Dhawaaqa dadkaaga maqal
Dhaawaca aan daawo helin
Dhammaan inta nabarka qaba
Dhibtiyo gaajada la daran
Iney dhakhaatiir helaan
Habraha dhalandhoolayiyo
Dhallaankani duurka wadhan
Dhulkoodii laga eryadey
Iney dhismahoogii dumey
Ammaba hantidii dhextaal
Dib dhoobada uga jafaan
Dharaaraha roobka iyo
Iney dhaxan ka hadhgalaan
Walaalow nabadda dhowr
Wadaadow rasaasta dhiga
Dhambaallada culimadiyo
Duqeydaada dhaqanka iyo
Dhawaaqa dadkaaga maqal
Dhiillada naxdintee damayn
Nac iyo dambi baa ka [...]
Dood: Shabaab iyo Shacabka Soomaaliyeed
Shacabka: Shabaaboow maxaad doonaysaan?Shabaab: Waxaanu doonaynaa inaan ka carasyiino shacabka Soomaaliyeed si aanu u raali galino Ilaah SW, inaanu kutumano xuquuqdiina aad u leedahiin nolosha iyo nabadda si aanu u ilaalino xaquuqda Ilaah SW inagu leeyahay, inaanu idin badno dulli iyo darxumo si aanu sare ugu qaadno magaca Ilaah, inaan caqabad ku noqono dawlad Soomaaliyeed [...]
Qaylodhaab Gabay Cusub
30kii sanadood ee u dambeeyay waxaa ku socday Umadda Soomaaliyeed, baab’in arxandarro ah oo loo adeegsanayay gacmo Soomaaliyeed iyo kuwo shisheeye intaba. Waxaana la dhihi karaa guud ahaan geyiga Soomaaliyeed ma jiro gobol iyo guri aan dabkii la shidayay gaarin, goortu haba kala duwanaatee. Ugu dambeyntiina, wax marba dabin la soo maleego oo maalinba ay [...]
Gabaygii Dhamac. Waxa Tiryey Rooda Ibrahim
Intaa aad dhex joogteen adduun malaggu kaa dheelmin.
Qoraxdii dhacaysaba waxbay kuula soo dhalane.
Dhaka faar wax keeniyo farxadi waysu dhawdahaye.
Dhawaaqii Garoowiyo kayimid dhinaca Boosaaso.
Dhimbiil aad u kululbuu ahaa dhibic rasaaseede.
Dhagahaygu goortay maqleen dhirif i saameeye.
Dhamaan reer Ogaadeenya way wada dhalaaleene.
Dhuuxiyo quluubtaa na huri dhamal sidiisiiye.
Dhuug iyo intay baal [...]
Gubaabo Qaran(1952) Cismaan Yuusuf Keenadiid
Waa kan gabaygii:
Maan-yariyi Soomaali waa, meheraddeediiyeMaslaxadeedi garan weydey iyo, marinki toosnaayeMacnahay ku noolan lahayd, maluhu siin waayeMaamuus la’aan lagu waday, moodayaan nololeMiis-xuamada haysa iyo dulligu, waw macaan yahayeMabsuud weeye baadidoon waxay mudanhayaan ceebeMuslinnimada sida loo mud-muday, kama masayraaneMaqaanxumada waxajoojey waa muran dhexdoodaayeIyagaysu muuqanhayee, moog adduunyada eMurtiday lahaayeen ayeey, magic ku waayeeneMuwaafaqo kolkii laga gefaa, mowtigood [...]
