GoobJoog » Faallada GJ

Qabuura Faagista Shabaab iyo Qaaya tirista Diinta
Urururka Shabaab oo lagu yiqiin afkaar badan oo ay la yaabeen culimo iyo caamo badan ayaa lasoo if baxay habdhaqan hor leh oo in badan ku riday afkii baa juuqda gabay. Horey ayaa wixii lagu yiqiinay waxaa  ugu darnayd dhiig xalaalaysiga muslimiinta ama shacabka Soomaaliyeed oo qaarna murtad ku sheegeen qaarna dhibka kasoo gaara qaraxyada iyo dagaalkooda ku sheegaan in niyadooda lagu soo bixi doono iyadoo marar badan aan wax ka garaabis ama hakin  ah aysan ka samayn falalka ay in badan oo shacabka wax kasoo gaaraan oo dhimashadu ugu daran tahay.

Maalmahan waxay shabaab billaabeen hawlo ay ku faagayaan qabuurtii culimadii Soomaaliyeed ee saalixiinta ahaa ama dadka  Soomaaliyeed u ahaa hogaan diineed taariikhi ah wax badan oo wanaag ahna sabab ugu ahaa bulshada.

Shabaab waxay ku doodeen in culimadani la caabudi jiray sidaa darteedna ay qaadeen tallaabo ay ku faagayaan qabuurtooda lafahoodana ay iyaga oo qura uun ogaanayaan halka ay ku danbeeyeen si loo cirib tiro waxa ay ku sheegeen sanamyo ama wax ay dadku caabudi jireen!!

Inkastoo afkaar iyo falal gurracan looga bartay dhallintan ayaan hadana jirin cid falka si fiican uga hadashay marka laga reebo ahlu sunna oo canbaraysay. DKMG ah ayaan arrintan siyaasad ama diin ahaan midna uga hadal iyadoo taasi ay keentay in dadka qaar ku tuhmaan in tani ay u eg tahay meelaha ay mindhaa wadaada siyaasadda dawladda ku jiraa aysan wax badan uga aragti duwanayn shabaabka ama ay qaarkood ka baqayaan in lagu eedeeyo inay shirki difacayaan haddii ay arinta faagista iyo raad tirka qubuurtan ka hadlaan.

Mala Caabudaa qabuurta Saalixiinta?

Ilaa hadda inta laga war qabo ma jirta cid Soomaali ah oo sheegaysa in culimada ama salixinta la faagay qabuurtooda ay ilaahyo  ama eebbe yarayaal ahaayeen la caabudo ama iyaga toos waxl ooga dalbanayo oo sidaas wax ku tari karaan.  Waxa la isku hayo ee ugu badan waa in dadka saalixiinta ah lagu tawasuli karo ama fadligooda  Alle wax lagu weydiisan karo  iyaga oo aan kula noolayn saalixiintaasi ama inay  maqlayaan cidda ergo waydisanaysa oo Alle u wax weydiinayaan, oo culimada qaarna diin ahaan ogol yihiin qaarna diiddan yihiin. Waxaan meesha ka marnayn iyadoo ujeedka ahaa in lagu tawasulo  ama la ergaysto dadka saalixiinta ah waxaa mararka qaar dhaca khaladaad badan oo dadka caamada ah ay galayaan oo laga yaabo in falalkoodu xadkii tawasulka uu ka baxo oo isagoo mooda inuu barakaysanayo ama ku tawasulayo saalixiinta uu galo khalad aan qasadkiisa ahayn laakiin fal ahaan u sawirmi kara inuu alle cid kale la wadaajinayo ama jahli u geeyo in tallaabadii tawasulka meesha ka saaro oo uu adoonkii saalixa ahaa ee la lahaa Alle wax ii waydii isagii su’aashii toos ugu tabiyo.

Wixii khaladaad ah halkaasi ku jiraahi waa kuwa cilmi baris iyo u caqli celin lagu saxi karo saxwada islaamka ee Soomaaliyeedna ay wax wayn ka qabatay inta dhimanna u baahan in qancintaa lagu sii wado laakiin sida ay haatan shabaab u dhigeen waa mid uga sii daraysa oo waxyaale dhintay sii noolayn karta marxuumiinta maydkooda lafaagay iyo eheladoodana xad gudub ku ah.

Qaayatirka Saalixiinta iyo Qaladkooda ay ku muteen!

Tallaabadan  ay shabaabku ku faageen kuna  xurmo tireen culimadaa saalixinta ee Soomali ugu caansanayd  ayaa la is weydiin karaa muxuu ahaa khaladka Saalixiinta ay galeen oo ay ku waayeen xurmadii mayda muslimiinta caadiga ah lahaayeen oo ahaa in sharaf loo aaso loona daayo godkooda intii Alle kasoo saarayo? Qaladkoodu mawaxuu noqday inay saalixiin ahaayeen  oo laga raadtiro taariikhda? Saalxinimadu ma wax lagu dadaalo oo fiicanbaa mase haatan ka dib waxay noqon wax laga cararo si aan mustaqbalka qabrigaada loo faagan? Sowse qaayo tiris kuma ah diinta haddii saalixiinteedii sidaan loo galayo?

Ma khalad cid kale leedahay haddii uu jiro ayuu saalixu ku qaayo tir mudanayaa oo looga raad tirayaa taariikhda mise cidda khaldan ayay tahay in loo nasteexeeyo ama laga mamnuuca wixii khalad ah ee ay qabriga la dul timaaddo?

Uducayntii faraha badnayd iyo siyaaradii uu ka heli lahaa muslimiinta qabrigiisa soo booqaysay maxaa lagu seejiyey oo looga dhigay cid aan la ogayn meel lagu yaqaan ama lagu soo booqdo ama loogu duceeyo markii qabrigeeda la arko ama lasoo xasuusto?

Haddi qoladii sheekha raacsanayd oo aan laga qancin joojinta wixii khalad ah ee ka dul dhaca qabriyada xoog hortooda loogu ihaaneeyo sheekhoodii sharafta weynaa ma xumaan baa ku joogsanaysa sidaa mase qalbiyadooday qasriyaal uga dhisayaan oo ay hal abuuri doonaan hannaan kale oo intii qabriga ka dhici jirtay ka badan ku sii samayn karaan? Sowse colaad iyo isnac dhex marlaya muslimiinta iyo dhiigga daadan kara ama daadanaya falkii faagista darteed ah kama sii darna.

Dhanka kale sow xad gudub looma gaysan  eheladii culimada saalixinta wixii ka nool ee hortooda qubuurtii waalidkood lagu faagtay oo lagu ihaanaystay oo ay ugu xoog sheegatay cid aysan wax suldo sharci ah ku ogayn ama u aqoonsanayn oo xittaa aysan u ogolayn  in halka lagu aasayo lafahii waalidkood loo sheego haddii masaajid laga soo dhexaaray si ay berry u booqan karaan illayn cid kasta oo muslim ah waxay xaq u leedahay inay meydeeda aasato, qabriga ehelkeedana soo booqato oo u ducayso?

Maxaa Soomaalida oo dhan loo xurmo tiray  oo dadkii taariikhdooda kuweynaa sidaa loogu ihaanaystay? Xattaa  haddii gaalo Talyaani ama Ingiriis ah qabsadaan dhulka muslimiinta ama dhul kale sidaba horey u dhacday wax dhawraan oo kuma xadgudbaan raadadka taariikheed iyo dadka shacabkooda ku weyn ee taa xataa ma garan waayeen wiilasha soomaaliyeed ee la maskax dhaqay?

Ugu danbayn haddii ay qabriga salixintii hore ee saxaabada helaan ama anbiyada ilaahey oo uu ku jira nabi maxammed scw ma sidan bay u gali lahaayeen mase kuwan waxay ku eedaynayaan inaysan ku mad-hab ahayn oo suufiyo yihiin iwm.

Ugu danbayn falka dhacay waa mid aad u qaab daran oo in laga dhiidhiyo oo dhaleeceeyo u baahan  inkastoo ay kuwii noolaabaa ihaano iyo gowricis la iskugu daray hadan fal kasta oo gurracan waa in sidiiisa loo canbeereeyo waxna looga yiraahdo haba jireen falal ka xun ama la mid ahe.

Xasan Turki ma Xor buu ku ahaa Baydhabo Mase?
Waxaa dhawaan magaalada baydhabo kasoo baxay bayaan iyo shir jaraaid oo halkaasi lagu qabtay laguna sheegay in mucaskarka raaskanbooni iyo xarakada shabaab ku midoobeen iyadoo la sheegay in dhanka raskanbooni usaxiixeen dulyadayn iyo sida la sheegay sheex xasan turki.

Muddo ka dib ayaa waxaa arrintaasi beeniyey qayb ka tirsanayd mucaskarkaasi oo haatan ka tirsan ururka xisbul islaam iyadoo ay sheegen inaysan raggaasi magaca ururka ku hadli karin oo magacaa waa hore la masaxay oo xisbul islaam loo xuub siibtay.

Waxaa iyadoo taa laga jawaabayo shir jaraa’id mar kale ku qabtay baydhabo dulyadayn ee sheekh xasan turki ay ku celiyeen in midawgaa dhab yahay.

Dul yadayn wuxuu u ekaa nin ku faraxsan hawsha isaguna wata isagoo weliba hadalka hagayey wiryayaasha u baaqayay in hadalka ka joojiyaan sheekh xsan turki aysan waxba waydiin.

Sheekh Xasan Turki oo warar qaar sheegayeen inuu xanuunsanaa waayahay ayaan la garayan in waxa falfalaxsanaanta ka qaaday ay tahay jajuub lagu hayey ama xanuunka hayey balse ma ahayn nin sidii lagu yiqiin isagoo qoslaya oo la dhacsan waxa uu samaynayo hadalayey.

Wuuxuu adeegsaday erayga ah inuu goobjog ka ahaa ama marqaati wixii halkaasi ka dhacay taas oo shaki kale keeni karta mar haduusan adeegsan erayga ah waan midawnay iyo tallaabada caynkaa ah ayaan qaadnay.

Dhanka kale kala guur ku dhacay kooxaha hubaysan ee diineen ee marba ay dhinac kooxi ku biirayso ayaa ka tarjumaya in ay fawadada iyo salfudaydka kala mid yihin soomaalida kale ama qabqablayaashii siyaasadeed.

Dadka qaar baa aaminsan in kooxda raskanboni iyho xisbul islaamba aysan lahayn awood ay iskaga caabi karaan shabaab ama si cad uga madax bannannaan karaan oo hadii ay xisbugu gooni u taagnaadaan iyo hadii ay shabaab ku biiraanba aysan wax wayn ka bedeli karin wadciga jira oo loollanka uu leeyahay laba daraf oo dhab ah kaasoo ah shabaab oo ku tiirsan bahweynta alqaacida iyo dawladda ku meel gaarka ah oo gabaad ku daba aha amisom iyo beesha caalamka. Waxaa iyana si gaar ah u taagan ahlusunna oo iyana itoobiya ku xiran balse aan iyagu kasoo horjeedin dawladda shariif.

Miskoolka Mucaaradka iyo Maqaarsiibka AMISOM
Magaalada Muqdisho ayaa waayahan danbe waxaa dhaqan dagaaleed ka noqday arrin aad u foolxun oo muujinaysa in kooxaha isku haya caasimadda aysan wax arxan ah u hayn shacabka magaalada Muqdisho ku haray iyadoo ay degmooyinka qaarna ay ugu sii daran yihiin.

Kooxaha dagaalka kula jira DGKMG ah ee Shabaabka iyo  Xisbul islaam oo dagaalkooda Jihaad ku sheega balse in badan ay rumaysan tahay in dagaal fitno iyo sokeeye yahay ayaa iyagu adeegsada habdhaqan dagaal oo sii kordhinaya qasaarada shacabka kasoo gaaraysa dagaalka ay ku sheegaan inay bulshada ugu danaynayaan ama ku xoreynayaan.

Waxay madaafiic loo bixiyey “misedcall” -oo  ah eray loo adeegado marka qof taleefan uu kusoo baaqo isagoo doonaya  in qofka kale kusoo celiyo- kusoo ridaan xarumaha AMISOM iyo DFKMG ah. AMISOM ayaa baaqan kaga jawaabta madaafiic aan loo meel dayin oo shacabka khasaare badan kasoo gaaro

Madaafiicda baaqa oo kale ah ama miskoolka ee ay kooxaha shabaab iyo Xisbul islaam ridayaan ayaa qudhooda qasaare kasoo gaara shacabka inkastoo aysan warbaahinta badankood caddayn karin cabsi ay kooxahan ka qabaan darteed waxaase mar walba ka badan kuwa ka dhasha jawaabta AMISOM.

Kooxahan dagaalka shaqada ka dhigtay ayaa lagu sheegay in  ujeedada ay ugasoo dhex ridaan madaafiicda baaqa ah  shacabka dhexdiisa ay ka mid tahay in  AMISOM  jawaab kulul kusoo jawaabto taasoo qasaaraha ka dhashaa ay rabaan inay ciyaar siyaasadeed iyo kicin shacab u adeegsadaan, kuna nacsiiyaan AMISOM iyo DFKMG ah. Waxaan shaki ku jirin in nac ay keenayso loo qaado AMISOM iyo DFKMG ah oo jawaabta arxan darrada ah bixiya oo ku dhaca dabinkii loo dhigay waxaase sidaa si la mid ah loo nacayaa  kooxaha madaafiicda baaqa ah billaaba iyadoo la ogyahay inaysan horumar dagaal kaga gol lahayn ama aysan ku samayn karin.

Waxaa arxan darro ah in mar kastaa oo madaafiicdan la isweydaarsado shacab badan waxyeelo kasoo gaarto  isugujirta geeri, dhaawac, burbur, barakac iyo khasaarooyin kale. iyadoo aysan  kooxaha isku hayaa caasimadda uusan midkoodna uga gol lahayn ama uusan ku samaynin horumar  uu dagaalka kusoo afjarayo balse aad mooddi in loo heshiiyey waxyeelaynta shacabka oo qura.

AMISOM ayaan la fahmi karin ujeedada ay madaafiicda aan loo meel dayin ay iyagoo goobahooda fadhiya ugu hurgufaan si arxan la’aan ah oo ka badan jawaabtii miskoolka isla markaana uusan ahayn dagaal ay magaalada kaga saarayaan kooxaha dawladda kasoo horjeeda!!

Waxaa loo qaadan karaa in ugu yaraan aysan dhibka shacabka soo gaaraya aysan dan ka lahayn mar haddii aysan dadkoodii ahayn waxa lagu dul dirarayo kuwii u dhashayna aysanba ka naxayn oo mucaardkana uu dhiiggii shacabka ku bakhaylaynin balse uu ciyaar siyaasadeed oo nijaasa ah u adeegsanayo halka dawladdiina aysan dan ka lahayn ama tallaabo muuqata ka qaadaynin. Waxaa kaloo dhic kartaba in AMISOM  habdhaqankan ka leedahay ujeedooyin kale oo gurracan.

Qaar baa ku fasiray in cabsi ba’ani ka keenayso ama  iyana dhankooda ka filayaan  in shacabku ku naco kooxaha madaafiicda baaqa ah kasoo dhexridaya ee jawaabta kulul usoo jiidaya iyagoo ka quud daraynaya in ay shacabku kooxahaas ku kacaan.

Dawladda ku meelgaarka ah ayaa iyadu eed iyo canbaarayn culusi ku dhacaysaa mar haddii ay sheeganayso inay shacabkan dawlad u tahay. Kama muuqata tabar iyo isku day ay kooxaha kasoo horjeeda caasimadda kaga saari karaan haba kaalmaysteen AMISOM-e, kamana hakiyaan AMISOM madaafiicda arxan darrada ah ee horumar goobeed lagu samaynaynin ee ay shacabka u qaybiyaan iyagoo ka jawaabaya miskoolka ama baaqa kooxaha dawladda kasoo horjeeda. Waxaaba laga dhigaa in madaafiicda arxan darrida ah iyada lagu difaacayo. Dawladda ku meel gaarka ah ayaa looga fadhiyaa in ay AMISOM ka hakiyaan ama kaga soo horjeestaan gumaadka ay shacabka u gaysanayso  haddii kale Alle, shacabka Somaaliyeed, caalamka iyo taariikhduba waa ay kala xisaabtami doonaan falkan arxan darida ah ee magaceeda lagu samaynayo sida lagala xisaabtami doono AMISOM iyo kooxaha madaafiicda miskoolka amaa baaqa ah billaaba .

Xiiisadda Kismaayo iyo Xukunka Kitaabka
Labadan kooxood ayaan midna midka kale ku eedayn karin inuusan urur diineed ahayn ama caqiido lahayn ama fikirka salafiga si kala duwan uga wada abtirsada laakiin isla meel dhigi waayey sidii xukunka magaalada loo wadaagi lahaa ama loogu ogolaan lahaa in shacabku doorto madaxdiisa.Wadaadani waa diideen laba arrimood oo sal u ah xukun wanaagsan iyo xasilooni inay qaataan, taasoo kala ah in shacabku xaq u yeesho inuu madaxdiisa doorto ayna dhanka kale jiraan xeerar iyo dastuur lagu heshiiyey oo loo laabto oo lagu kala baxo.

Waxaa lagu sheegay shacabkii caamo ama sacboolay aan ahlu xalli wal caqdi ahayn, taladana xaq u lahayn in wax laga siiyo, ama xukunka la waydiisto, dastuur la qorana waxaa lagu sheegay cilmaaninimo iyadoo mar walba dadka lagu aamusiyo in kitaabka Alle dastuur u yahay mid kalena aan loo baahnayn.

Shacabka Kismaayo waxaan alle ugu baryaynaa in uu dagaal ka badbaadiyo balse waa inay ogaadaan in aayahooda ay ka talintiisa wax ku leeyahay oo aysan jirin cid si gaar ah uga leh.

Wadaada isku haya Kismaayo waa inay ogaadaan inaysan xaq u lahay in shacabka ay isku  kor dilaan ama bara kiciyaan, taladana aysan kaligood gaar u lahayn ama aysan xoog ku haysan karin iska daa inay xalaashadaan in  dhiig  loo daadiyo sidii talada loo maroorsan lahaa ama loola kali noqon lahaa.

Xukunka islaamka ama kitaabka Alle  ma aha mid ka hadlaya oo si cad farta ugu fiiqaya cidda ay tahay in maanta la raaco ama gar leh kooxaha is haya. Masoo dagayo waxyi cusub oo noo sheegaya sida ay tahay in laga yeelo dhacda kasta oo na hor timaadda sida tan taagan.

Islaamku wuxuu noo sheegay mabaadii guud oo ah in caddaalad la helo, wadatashi muslimiintu arrimahood ka yeeshaan ciddii ay isla gartaanna talada u dhiibtaan ee aysan cidna xaq u lahayn in  xoog xukunka ku qabsato ama ku haysato ama dhiigga shacabka u daadiso.

Wadaadu waa inay garawsadaan in kitaabka waa xal oo lagu wardiyo uusan xalku ku jirin ee ay tahay in talada iyo sidii si nabad ah hadba loogu kala wareegi lahaa loo ogolaado in shacabku ka wadatashado,  sidii loo batana la qaato ee aan kooxiba si wax udoonin oo u dhiig daadin  annagaa xaq u leh ama sida aan diinta ka fahmnay uun baa sax ah.

Laga soo billaabo waqtigii Cali bin abii daalib iyo Mucaawiye isku dheceen oo haatan kun iyo dhawr boqol oo sano kasoo wareegtay muslimiintu ma aysan helin qaab nabad ku salaysan oo talada iyo awoodda lagula kala wareego, waana taxaddiga ama mushkiladda ugu ballaaran ee hor taagan oo ay ayaankood uga hareen!!

Amawiyiintii laga soo billaabo waxay noqotay in talada xoog lagu kala qaato, mar walbana dhiig lagu daadiyo ilaa qaar saxaabadii ka mid ah kacbada iyagoo ku jira lagu dhex dilo. Ummadaha kale ee dunida nagula nool qudhooda waxaa soo maray dagaallo sokeeyo iyo kuwa diimeed waxayse markii danbe dhibkii iyo dabkii ka barteen in taladu dadka ka wada dhaxayso oo kooxina aysan xoog ku qabsan karin ama ku haysan karin ee ay tahay in doorasho loo dareero xeerar iyo sharciyo xadidan oo lagu heshiiyeyna la isku kala hago.

Waxaan filayaa in ayu soo dhammaatay waqtigii wadaadada dadka ku asqayn jireen in wax walba hagagaagayaan haddii talada loo daayo wadaado kitaabka alle dastuur ka dhiganaya, waxaana soo baxday in waxa la isku hayaa aysan soon iyo salaad ahayn oo ay diintu faahfaahisay balse ay tahay waxa la isku hayo wax diintu ka gaabsatay oo loo daaday in dadku iyago ka heshiiyaan, ka tashadaan, shuruudna ka degsadaan aan ka hor imaanayn mabaadi’da guud ee shareecada.

Dilkii shalay saxaabada isku dileen cidda talada xaqa u leh ama sida quman iyo wixii ka danbeeyey waa in wax laga barto oo la ogaado in diintu ka dayrisay oo ay sheegtay in salaadiisa aan la aqbalayn imaamkii dadka tujiya iyagoo ayagoo ay dhibsanayaan bal ka warran cidda rabta in xoog iyo boob ay ku xukunto.

Tuugo isbaaroolay ah ama digisiyada xadda oo la ciqaabo oo kaliya ma aha shareecada iyadoo  kan tuug yaraha ciqaabaya uu isba doonayo inuu boob ku haysto talada dalka ama kudoono oo uu dhiig aan xad lahayna u daadiyo.

Xiisadda Kismaayo ka aloosan waxay daliil cad u tahay warkii iyo halhayskii duuduubka ahaa ee wadaadada qaar wadeen inuu gabbalkiisu dhacay dhabtuna ay  tahay in taariikhda wax laga barto oo la ogaado in aayo ka talinta shacab ama dal ay dadkiisa ka dhaxayso.

Si nabad loo helo iyo  xasilooni iyo ku dhaqan shareeco oo sax ah  waa laga maarmaan in la qiro in taladu dadka ka wada dhaxayso xeerar iyo dastuur heshiis lagu yahayna la helo oo faahfaahinaya wax kasta oo la isku qabto iyo sidii loo maarayn lahaa. Waa in  la ogolaado in aayaha shacabka iyo sida arrimaha mudnaan u kala siinayo iyo waxuu dib u dhiganayo ama hormarsanayo aysan shakhsi ama koox ku meel marin karin dhiig iyo barakacin ee ay tahay in sida inta badan rabto in la raaco sidaasina ay diinta iyo dantu ku jirto.

Haddiise lagu adkayso sida haatan taagan waxaa soo bixi doonta in hawada koox kasta iyo damaceeda iyo sida ay diinta u fasirayso ay is dhex gasho oo ay soo baxdo wadaad qiil uu ku  bannaysto iyo qundul uu ku rito ma waayo  ama hadalkii ahaa nin la jecel yahay minhaaj qiil loogama waayo oo keeni doonta in isdilka iyo fawadadu sii socoto ilaa la isla ogolaado in talada dadka ka dhaxayso, wadahadal iyo qaabab lagu heshiiyana ay qasab tahay in xasiloono lagu doono ee aan qiil iyo nas kooxiba si u fasirayso la isku dilin si joogta ah.

Godane iyo Baycadii Binlaadin iyo Beelaha
Cajalka hore ee afka Soomaaliga ku baxayey ayuu eedeyn iyo gaalaysiin dusha kaga tuuray amiirkiisii hore Madaxweyne Sheekh Shariif oo ay haatan iska horjeedaan isagooo aayadaha munaafiqiinta oo idil dusha u saaray ragga ay siyaasadda isku hayaan kana dhigay inaysan alle rumaysnayn balse ay isqarinayan cibaadadoodana ay been tahay iyo munaafaqnimo.

Wuixuu si gaar au u aamanay beelo uu sheegay inay mujaahidinta u gargaareen oo uu sida muuqata ula jeedo shabaabka, kuwaasoo kala ahaa maxamud hiraan, murarsade, gaaljecel, hubayr iyo ligsi beel u sheegay laakiin aan horey dhagaha warbaahinta loogu maqlli jirin  ama laga yaabo in sida uu ugu dhawaaqaqy aysan caddayn.  Mawqifkan ayaa u muuqda mid uu  beelaha qaarna kaga rabo inay taageerda buuxda ururkiisa siiyaan iyadoo dhanka kalana laga yaabo in gaalaysiinta haatan shaqsiyaad ku eg ay marka danbe  heer beeleed usoo raraan oo beelaha qaarna gaalaysiiyaan ama cadaw alle ku sheegaan.

Beelaha uu tilmaamay ayaa inta badan waxgaradkooda aysan shabaab taageersanayn laakiin ay ka faa’idaysanayaan sida uu markii hore beelaha qaar ugu dhex faafay fikirka salafiga ahaa ee ittixaad u buddhigay inkastoo ay maanta ittixaadkii ku gacan sayrayaan   ama sida aysan beelaha qaarkood hadda raalli uga ahayn siyaasadda xukuumadda laakiin aan marna la oran karin in waxgaradka beelahaasi ururkan si buuxda u taageersan yihiiin. Dadka qaar taageersanaa shabaabka ayay shoog ku noqotay in heer beeleed wax ku walaaqdaan ama beelo inay ka islaamsan yihiin kuwa kale ka dhigaan.

Dhanka kale waxaa cajalka muuqaalka ah ee “Labbayka Usaama“  ku muujinayaan sida ay ugu hogaansan yihiin bin laadin iyadoo lagucelcelinayo Labbayka yaa Usaama, Waan ku adeecaynaa, askartaadii baan nahay iyadoo erayadaasi gob fagaare ah oo muqdisho ku taallana laga leeyahay.

Waxaa Godane cajalkaasi warbiin kusiinayaa ninka uu ku sheegayo amiirkiisa oo bin laadin ah isagoo tibaaxaya inay katiinadahi cadawga iska gooyeen oo ay diyaar u yihiin in goobo kale ay dagaalka u raraan. Waxaa uu aad u ammaanaya sidoo kale nabhaan oo u muhaajir ku sheegayo halka wadaadadii Soomaliyeed kuwii maxkamadaha kula jiray ee ay isqabteen uu gaalaysiinayo.

Wuxuu aad u caayayaa sidoo kale culimadii u badanayd kuwa tayaarka salafiga ama ururka ittixaad ee dhaxdhasaadinta isku dayday isagoo ku sheegayo wadaad xumayaal diintooda ku  iibsaday adduunyada rag kale!

Isku soo duuboo cajalladan waxay muujinayaan halka ay shabaab u socdaan iyo afkaartooda iyo sida aysan marna uga tarjumayn maslaxadda shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah iyadoo cid kasta oo ka siyaasad ama afkaar duwanaata ku sheegaya ama gaalo ama munaafiqiin taasoo ah tilmaamta lagu yaqaano takfiirka, khawaarijta iyo firqooyinka qalloocasan ee la halmaala.

Mucaaradka oo Gumaadkoodii loo Saariyey Baarlamaanka
Waxaa la yaab leh sida warbaahinta iyo waxgaradka qaarkood uga hadlaan madaafiicda  shabaab iyo xisbiga ridaan ee shacabka geeri kasoo gaarto. Warbaahinta qaar ayaa ku dhiirran inay sheegaan  markii madafiic dawladda ama AMISOM rideen ay shacabka wax kasoo gaaraan iyagoo mar walba ka gaabsada khaladka shabaabka iyo xisibga ee ay hoobiyayaasha ka dhex tuuraan  goobaha shacabka degan yahay balse aan taa la tilmaamin oo uun la sheego jawaabta ay dhinaca kale ka bixiyaan iyo dhibaatada shacabka kasoo gaarta.

Tan iyo markii baarlamaanka kmg ah usoo guuray goob cusub ayaa kooxaha mucaradka madaafiic la beegsadaan markii ay shirkaa maqlaan taasoo ah mid aan la hagin balse loo rida uun dhanka baarlamaanka ka xigo iyadoo aan dan laga lahayn lagana cudur daaraan dhibaatada shacabka kasoo gaarta ee geeri iyo dhaawacba leh.

Sheekh Billal halkii uu ku canaan lahaa cidda madaafiicda riday shacabku wax ku noqdeen ayaa eedayn dusha kaga tuuray baarlamaankii la sheegay in loo dan lahaa iyadoo uusan kula talin mucaaradka uu taagersan yahay inaysan shacabka u gumaadin si uun loo bannado shirka baarlamaanka.

Hadalkan ayaa u muuqanaya mid ku yimid taageero indho la’aan ah ee uu kooxaha mucaaradka u qabo ama uusan shacabka dhiigiisa ka naxayn amaba uu kasoo qaadayo in kooxaha mucaaradka kaga cadawsan yihin shacabka ciidamada shisheeye oo ay isu bedeleen ma naxayaal baarlamaanka laga codsanayo inuu shirarkiisa ka dhigto meelo kale oo aysan kooxahan la gaarin hubkooda ama qiil uga dhigan  ay shacabka ku waxyeeleeyaan inay baarlamanka shirkiisa u dan lahayeen.

Khalkhal gelinta shirka baarlamaanka haday mucaaradka kaga muhiimsanaatay dhiigga shacabka ee ku daadanaya madaafiicda habawga ah ee ay ridayaan dhanka baarlamaanka waxay tani muujinaysa inay dhagar laawayaal yihiin iska keena ooyin yaxaas oo iska dhiga kuwa shacabka ka naxa oo ka sheekeeya dhibaatada ka dhalata jawaabta ka dhalata madaaficda ay hurgufaan iyagoo sabab u noqday in marki ugu horreysay laga barakaco degmooyin aan shan iyo tobankii sano ee u danbaysay laga bara kacin.

Jeebabka Maydadka Shabaab oo Waxay u Dirirayaan laga Helay
Waraaqahan jeebabka shabaab laga helay ayaa waxaa diyariyey nin lagu magacaabay C/llaahi Ansaari, waxaana waraaqaha ku qornaa oo lix bog ka kooban quruxda iyo fadliga gabdhaha xuurayl caynta oo warqadaa lagu sheegay wixii kuso arooray gabdhahaa ee axaadiis ama quraan ah.

Waxaa loo sheegay dhalinta in qofkii jannada gala uu helayo laba xuural cayn halka kuwa shahiida ay ka helayaan 72 xuuralcayn.

Waxaa sido kale loo sheegay in maanta waxa Soomaliyaka socdaa jihaad yahay oo ninkii dagalka ku shahiida uu helayo 72 xural cay. Dhalinta oo ku nool daruufo adag oo laga yaabo inaan qaarkood guur ama nolol wanaagsan arag ama rajo dhaw ka qabin ayaa loo tilmaamay in wixii qofku u noolaa ay ahayd inuu jannada iyo raallinimada alle helo iyo xuural caynta oo uu ka xaroobo rabitanka addunyada.

Waxaa kaloo loo sheegay in xuural caynu u xanaaqaan dartod oo ay haatan alle fadligii jihaadkii Soomaaliya ka dillaacay sidaa darteedna ay xamar dul heehaabayaan xuural cayn u baahan rag kasbada.

Inta badan dhallinta ay shabaabku dagaal galiyaan ayaan aqoon durugsan u lahayn diinta iyo nolosha aduunyadaba iyadoo laga waardiiyeeyo inuu gaaro warka culimadii waaweyneyd e Soomaaliya ee xarakaatka soomaaliyeed aas aasay xattaa haba ahaadeen kuwa tayyaarka salafiyada ee ay ku abtirsadaan ama kaso jeedaan inta badan ragga haatan shabaabka hogaamiya.

Sidoo kale inta badan madaxda shabaabka ayaan la maqal iyagoo shahaadada iyo xuural caynta doontay oo safka hore ku dhintay ama is qarxiyey balse waxaa ugu daran in ragga ugu madaxsan ay aad isku qariyaan oo aan muuqadaba la arag ama aysan saxaafadda hor imaan marka laga reebo rag aan muhiim u ahayn oo safka warbaahitna la keen o laga maarmi karo halka ragga laf dhabarta ah ay dhuuntaan oo aysan inta badan safka hore iman marka laga reebo nin ama labo gantaal raadasanayey lala helo mooyaane.

Waxaa culimada Soomaaliyeed ee leh aragtiyada kala duwan iyo culimada dunida muslimkaba isku waafaqen in waxa  soomaliya ka jira uusan jihaad ahayn oo u dhexeeya qolo kaligod muslim ah iyo kuwa gaalo ah waxaase ayaan darro ah in dhallin Soomaaliyeed la qaldo oo iyaga oo xuural cayn doonaya ay ku dhintaan dagaal Soomaalii u dhexeeya oo laguna diidan yahay rabitaanka inta badan ee Soomaalida muslimka ah oo doonaya in Soomaaliya ka hana qaaddo dawlad Soomaalidu leedahay oo islaam ah balse ku eg xaduudaheeda oo aan caalam kale duullaan ku ahayn.

Waxaa kaloo ayaan darro ah in culimada ka hadasha in waxa Soomaliya ka socda jihaad ahayn ama dhiig muslim daadanayo lasoo qaxiyo ama dil lagu handado sida ku dhacday culmo badan oo gudaha Soomaaliya joogtay.

Waraaqaha jeebabka sha baab laga helay waa kuwan

Shariif Qofkuu Xilka ku Wareejinayaa?
Sheekh Shariif iyo raggii muqaawamada ee la socday ayaa lahaa fikar dhextaal u ahayd geedii socodkooda siyaasadeed taas oo ahayd in Itoobiya dallka looga saaro xoog iyo siyaasadba, isla markaana Soomaali aayaheeda ka tashato iyadoo aan islaamiyiinta la faquuqayn iyana aysan cidna faquuqayn.

Waxaa siyaasadooda dabcan kasoo horjeeday shabaabka oo wada dagaal aan xaduud iyo diblomaasiyad midna  lahayn iyo garabkii Asmara ee ka haray hogaankii sheekh shariif oo arkayey in aan tfg wax lagu darsan itoobiyana dalka ka baxdo iyadoo aan wax heshiis ah arrintaa laga gaarin.

Mawqifka Mucaaradka shariif ma ahayn mid xikmad iyo garasho dheer ku qotomo mar haddi aysan dalka cadawgooda xoog uga saari karin ama kaga difaaci karin goobaha ay hayaan oo haddii ciidamo itoobiya yimaadaan looga bartay inaysa sagaal saf ballaaran ah la galin balse ay awoodoodu ku eg tahay jabahadayn iyo shacabka oo laga dhex dagaallamo, taaso keenaysa in dalku uusan degin waligii.

Siyaasadda shariif iyo raggiisa ee ahayd in Soomalina heshiiso, dunidana nabad lagula noolaado, oo uusan dalku gabbaad u noqon kooxo doonaya in dawlada kale ay dagaal kala galaan carriga soomaaliya  waxay ahayd siyaasad inta badan  Soomalidu la qabto waxaase ka hor yimid caqabado badan.

Dawladdiisu kuma guulaysan in Soomalida ka aragtida duwan shabaab iyo xisbul islaam ay meel intooba badan isugu keenaan cududooda, sidoo kalena kuma guulaysan in mucaaradkeeda intooda badan la heshiiso ama kala furfurto.

Waxaa caqabadaha lagu eedeeyey kamid ahaa degdeg, qancin la’aan iyo abaabul xumo iyo kala daadsanaan. Waxaa dhirbaaxo kulul  ku dhacday maxkamadihii taageray dawladda oo kala daatay iyadoo sidoo kalana dhaxashay maleeshiyadii dawladii C/llaahi Yuusuf oo ay hor boodayaan qabqablayaal aan la jaclayn iyadoo maleeshiyaduna aysan anshax wanaagsan lahayn in badan oo ka mid ah.

Habarwacashada Itoobiya iyo mustaqbalka Dawladda

Tan iyo markii Aadan Madoobe ku dhawaaqay in ciidamo ay ku jirto Itoobiya dawladda usoo gurmadaan waxaa ka dhashay buuq badan oo ay in badani isweydiisay waxa dawladda shariif ka duwan tahay tii C/llaahi  ee lagu eedeeyey in itoobiya u maxlal noqotay si ay dhulka Soomaailya u gumaysato.

Dadka qaar isku mid bay u tahay halka kuwa kalena ay dareemayaan inuu farqi jiro hadana natiijada ka dhalan karta haddiiba ay dhacdo ayaa la isweydiin karaa iyo waxa la gudboon ragga islaamiyinta ah ee dawladda ku jira.

Inay xilka wareejiyaan.

Dadka qaar baa qaba haddii sheekh shariif ku guulaysan waayey inuu isku keeno ciidan iyo awood mashruuciisa- in badani taageersanayd- uu ku meel mariyo, mucaaradkiisana uu wiiqi waayey uu siyaasadda isaga fariisto halkii uu Itoobiya maxlal u noqon lahaa taasoo lagu eedeeyo inaysan rabin in Soomaliya dawlad ka dhalato, su’aashase ka dhalanaysa ayaa ah hadiiba uu damco inuu xilka isaga tago yuu ku wareejinayaa ama ka rajayn karaa in waddo wanaagsan shacabka u horseedi karto, ma shabaabka mase xisbiga mase quwada kale?

Sheekh Xasan oo damac ka qaba siyaasadda ayaa odoyaasha dhaqanka ka codsaday inay shariif ku qanciyaan inuu xilka isaga tago, AMISOM-na meesha ka saaro sidii in isaga uu keenay ama hadal ku saari karo!, taasoo macnaheeda u muuqato ha ii sallaxo ama sii hagaajiyo meesha sida aan ugu diiday tiisana  isaga oo aan eegin!

Ma muuqato si ay mucaaradku xilka ugala wareegi karaan sheekha oo ay Villada ku tagi karaan iyadoo AMISOM joogto, sheekh shariifna lagama dhagaysanayo AMISOM ha baxdo iyadoo aysan wax nabad ah jirin ama ay dalka qabsanayaan xoogagga shabaab iyo inta la socota.Sidoo kale mucaaradka hubaysan ma aha kuwo haya siyaasad ay qudhoodu ku kala badbaadi karaan ama ay Soomali kale talada kula wadaagi karaan ama ay caalamka awoodihiisa dalka ka badbaadin karaan oo shabaabka oo ugu xoog badan mucaardka waxay siyaasadoodu u muuqataa inaan Soomaliya dawlad laga dhisin balse ay ahaato meel mujaahidinta qaacido gabbaad ka dhigtaan dunidana ka weeraraan ama ilaa caalamka ay gaalo ka tirtiryaan ay halkaasi ahaato goob inta kale looga duulo taasoo aan nabad iyo nolol kaga soo muuqan soomaali

Ma jirto awood Soomaaliyeed oo shacabka taagero ka haysata, adduunkana diblomaasiyad kula dhaqmti karta oo uu talada ku wareejiyo ee waxa kaiiya ee hor yaallaa waa in ama Aadam Madobe uu ku wareejiyo oo isaga iyo raggiisa isaga baxaan taas oo aan dalkana dhibka ka saarayn wax sumcad xaqiiqi ahna usoo kordhinayn sheekh shariif mar haddii uu ku furay geedigii meel cidla ah ama khatar leh, balse u aad uga fiican inuu maxlal itoobiya noqdo. Ma haysto fursaddii Nuur Cadde oo kale oo uu geediga ku furay heshiis dhex maray tfg iyo mucaaradkii Isbahaysiga ee sheekh Sharif hogaaminayey.

Sheekh Shariif iyo inta badan Soomalida ee ay la gurracan tahay  mashruuca shabaab waxaa hor yaalla khayaaraad aad u adag.

Labo Mid oo Rajo Leh

1. In dawladdu sii luuddo oo shacabkana garab siiyo iyada iyo waxgaradka Soomaliyeed ee mashruuca shabaab diiddan ay la yimaadaan dardar iyo dadaal wacan oo lagu saxayo khaladaadka jira dibna ay Soomali dawladnimadeedii ugu hananayso, shabaabna kooda la qalday lagu qanciyano, kii wakiil ka ahaa qaacida ee aan Soomaliba dhagihiisu ka xiran yihiinna shanta la isaga qabto. Haddii ay tani shaqayso oo fursad yari hor taallo balse ah xalka kaliya ee Soomali wax ku gaari karto waa mid rajo abuuraysa waana midda ah in la riixo oo tabar iyo maskax la iskugu geeyo u baahan iyadoo lagu dadalayo dhanka kalana  in heshiis ay gaaran dawladda xisbul isaam  iyo qaar shabaabka ka mid ah, heshiiskuse haatan uma muuqdo mid sahal lagu gaari karo.

2. In lahelo ciidamo ka yimaada dawladaha Muslimiinta ama aan ahayn kuwa dariska oo la wareega ammaanka dalka gacan qabtana dawladda sidii Suuriyaba ay muddo u haysay Lubnaan taasoo u sal dhigta nidaamkii iyo ciidan qaran oo anshax leh, ka dibna si tartiib ah talada Soomalida ugu wareejisa.Kanina ma muuqato haatan cid usoo taagan oo qabanaysa.

Laba Kale oo Silic ah

Labada khayaar ee kore wa kuwa xal lagu gaari karo haddii midkood la helo, waxaase xanuun badan laba khayaar oo kale.

1. In dawladdu sii daciifto, AMISOM-na uso joogto dagaalkuna qaato laba sano iyo ka badan oo aan la kala adkaan shacabkuna qax, gaajo, xabbad joogta ah ku jiro ilaa awoodaha isku dul haya ilko beelaan sidii ku dhacday jabhadihii isku kor dagaallami jiray taasoo ah mid aad u xanuun badan.

2. khayaarka kale waa in dawladda ciidan iyo maskax beesho oo ay Itoobiya maciin biddoo tiiyo markanna Itoobiya ay haysato ogolaansho caalamka oo tii hore ka ballaaran, iyo shacabka o aan sidi hore ula dagaall doonin maadaama ay wadaadada ka rajo dhigeen dalkana uu galo marxalad u eg tii labadii sano ee Itoobiya joogtay ee dhibka badnaa markanse ka dheeraan karta kana rajo xumaan karta maadaama loo arki karo in kuwa la dagaallamayaa aysan jirin rajo badan oo shacabku ka qabi karo mar hadii markii hore ee ay baxday ay isku kor dileen shacabkii oo wax heshiis ah gaari karin waayeen. Xaaladdan danbe oo in badani ka cabsanayso inay dhacdo waa mid mugdi hor leh galinaysa rajadii Soomalida wax weyn oo qiima ahna ma lahaa cidda mashruucan Itoobiya kula shirkoobi doonta hadii ay noqoto shariif ama inuu meesha isaga tago.

Haduu Sheekh shariif xalka kale waayo ma qumana inuu itoobiya u galo booskii Geeddi iyo C/lahi Yuusuf, waxaa shakhsi ahaantisa u roon iyo ragga la jaalka ahaa inay is casilaan taasoo in badani u arki karaan inay u sharaf dhaanto  inuu maxlal Xabashi noqdo, waxaanse shaki ku jirin inaan wadciga guud markaa wax iska badalayn hadii isaga xabashi tareenkeeda fuulo iyo haddii uu ka dagaba, waxaase markaa la isweydiin karaa yaa Itoobiya la shaqaysan doontaa ma mid Geeddi oo kala ah  mase mid dhaama sidi nuur cadde oo kale.

Ugu danbayn waa in laga wada shaqeeyaa sidii aysan labada khayaaa ee danbe ee xun noo qabsan lahayn ee aan u heli lahayn labada khayaar ee hore ee rajada leh midkood, iyadoo dawladda, waxgaradka iyo mucaaradka kuwooda Soomaalinimadu ku hartay ama si uun u aaminsan ay tahay mas’uuliyad saaran inay ka wada shaqeeyaan in  khayaaraadka rajada leh la helo oo kuwa mugdiga na galinaya laga hor tago oo fallaari gilgilasho noogama haraysee la wajaho waaqica qaraar ee na hor yaalla iyadoo aan daawadayaal laga ahaaneyn dagaalka foosha xun ee dawladda iyo mucaaradka u dhexeeya iyo cabsida jirta ee ah inay xabashi soo laabato, balse ay tahay in malaayinta dulman hesho qaab ay talada ula qabsanayso kuwa ku kor diriraya, oo wixii gar ah u xoojiyaan ama raadiyaan.

Shabaabka ma Rabaan Dawlad Soomalaiyeed?
Qeybo badana oo shacabka ka mid ah oo ku sugan gudaha dalka oo ay ku jiraan culimada iyo odoyada ayaan si xor ah u cabiri karin dareenkooda maadaama shabaabka lagu bartay gaalaysiinta iyo khaarijinta ciddii fikirkooda ka hor timaadda iyadoo digniino u diray culimo badan oo uu ka mid yahay boqol soon walaalkiis iyo sheekh axmed daahir aweys oo iyagu ka hadlay inaysan bannaanayn daadinta dhiiigga muslimka kuwasoo markii danbana midna iska aamusay midna dalka isaga baxay.

Caburinta ka sokow ma jirto cid si cad u sheegtay in mashruuca shabaab ay fahamsan tahay iyo waxa uu yahay oo shabaab qudhooda ma fahamsana macnaha dawladnimo mana usoo gudbin shacabka soomalaiyeed ilaa iyo hadda qaabka ay dawladnimo inay uga hirgasho Soomaaliya u doonayaan iyo sida calaamka kale loola noolaan karo.

Waxaa laga fahmayaa falalkooda iyo hadalkaba inay uun dagaal u joog yihiin waxa kaliya ay garanayaanna ay tahay dilka, isqarxinta, caburinta shacabka iyo kusoo rogista wareegtooyin hadba sida ay diintu u rabaan ama fahmaan ah tiiyo aysan wareegtooyinku mararka qaar nusuus la yaqaanno aysan ku qotomin balse ay tahay fahmakmooda ama hawadooda.

Waxaa kaloo ay ku dhawaqaan dagaal caalami ah oo aan waligiis joogsanayn oo ay beesha caalamka iyo soomalida ka aragti duwan kula jiraan iyadoo in badan u fahamtay in hadafkoodu yahay inaysan Soomaaliya dawlad ka dhalan mar haddii ay dawlad halkaasi ka hanaqaaddaa ay ka cabsanayaan inay diidoo in dalkeeda sii joogaan niman meelo kale wax kasoo qarxiyey ama kasoo qarxinaya oo ururro dibadeed ku xiran. dhanka kalana aysan iyagu qudhooda rajo ka qabin in loo daynayo dawlad ay iyagu xukumaan oo aan soomalidana talada wax uga ogolayn caalamkana heshiis nabadeed aan la gaari karin balse doonaysa inay dagaal uun kula jirto ilaa ay dunida qabsato taasoo aysan iyana gaari karin marka tabartooda la eego.

Waxaa kale oo ay og yihiin in awoodooda ciidan haatan ay uun  dagaal fool ka fool ah la gali karto maleeshiyaadka Soomalaida ee habacsan ama aan iyaga ka tabar roonayn balse aysan ciidan nidaami ah oo hubka noocyadiisa kala duwan wata  meeshuu doono haka yimaadee aysan fagaare kula dagaallami karin, kana difaacan karin goobaha ay haystaan sidaa darteedna iskuma shideeyaan dhisidda maamul sax ah ee meel walba waa amiir usii magacow dagaalkana sii wad, hadidi ciidan xooggan yimaadana waa dagaal jabhadayn, dhuumaalaysi iyo qarxin taasoo nuxurka noqonayo inaysan Soomaliya wax dawlad ah ka dhalan ilaa ama fikrika qaacida wax iska badalayo ama laga cirib tirayo ama dawladaha ay cadawsanayaan ka ogolaanayaan in loo dhaafo mashruuca ay rabaan qaacida iyo shabaab kasoo isna u muuqda mid fog.

Shacabka Soomaaliyeed ee cabursan ee arrintana daawanaya waxaa sugaya laba mid uun in ay aayahooda ka tashadaan oo shabaab iyo ciddii  ku maquuniinaysa dagaal caalami ah oo aysan ka bixi karin iska qabtaan ama ay daawadaan shabaabka oo ay  noqdan cowskii ku baaba’y meel maroodiyaal ku dirireen, oo dhinacna qaraxyo aan loo aaboo yeelin maalin walba in badan oo ka mid ah shacabku ku dhimato iyadoo la leeyahay dan idinkama linhin ee niyadiina ayaa la idinku soo bixinayaa oo hal cadawgnna ka mid ah hadii aan aragno intiina meesha maraysana waa cayayaan dhintay oo kale ama dhanka kale ay madaafiic la isku dul waydaarsado oo ay ku dhex baaba’aan. In badan shacabka waxaad mooddaa inay weysan yihiin hoggaan sax ah oo dawladnimada la raadisa sidaa darteedna ay hawl gab yihiin oo ay in badani iskaga qaxday dalka halka kuwa kalana ay iskaga dhex jiraan meelaha lagu dagaallamayo oo ay qaxi. la’ yihin waxaase ugu danbaynta masuuliyadda usoo wareegaysaa wax garadka iyo hogaanka bulshada oo la rabaa in wxii aan dalka ka shaqayn doonin si cad uga hor yimaadaan ugu yaraan afkaba haka cadeeyeene.

Shareecada Eretereya iyo Qabqablanimada Cusub
Madaxda ururku waxay sheegeen ama tuhun galiyeen shareeca ku dhaqanka dawladdu qaadatay iyagoo ku dooday in shareeco Maraykan ama Nasaaro ka raalli tahay far ku godan tahay.

Dhanka kale waxay sheegeen in raggii baarlamaanka ku jiray ee imaatinka Itoobiya anxisixyey aysan marna siyaasadda Soomaaliya wax uga ogolayn ee ay tahay in mujaahidinta kailya iyo shacabka taageersan ay dawladda soo dhistaan, taasoo ahayd wixii markii horeba loogu soo duulay oo laga kala tuuray hadana ay adag tahay si quwadaha shisheeye ee danaha kale Soomaali ugu daayaan in wadaado iskgu jira jihaadiyin calaami ah iyo kuwa kale ay nabad ku haystaan Soomaaliya taasoo haddi wadaadadu ay siyaasadooda waxs ka bedelin keenaysa in shavabku dagaallo kale oo daba dheeraada uu kusii jiro oo uusan dawlad arag islaami iyo mid kale toona!

Arrinta koowaad ee ah in shareecada lixdii bilood lagu soo duulay hadana aysan macquul ahayn in Maraykanikii kusoo duulay aqbalo ayaa waxaa daba taalla su’aal kale. Hadii maamulkii Bush oo aan si aan kala sooc lahayn uala diriray wadaadadii maxkamadaha uu garawsaday maamulka Obama in siyaasaddi hore khaldanayd sow taasi ma dhici karto in siyaasadda Maraykanka wax ka badasho oo uu haatan doonayo inuu kala saaro dagaalka uu ku hayo wadaadada sida furan inay meel walba Maraykanka ku la diriraan doonaya iyo kuwa doonaya in dalkooda uun ay shareecada ku dabaqaan balse aysan dagaalka meelo kale u rarin ama aysan caalam kale duullaan ku ahayn.

Haddii la eego aayada in badan soo celceliyaan wadaada qaar ee ah inaan yuhuud iyo nasaaro musliminta  ka raalli noqonayn ayaa waxaa isweydiin leh waxa Maraykan uun ku koobay oo ay Ererateraya shareecada ay shabaab iyo xisbul islaam wadaan raalli uga tahay iyadoo wadaadadii islaamiyiinta ee dalkeeda cagta marisay! Sow lama oran karo dano kale ayey leedahay oo ah in maamul taabcsan ama saaxiib la ah oo dagaalkeeda Itoobiya u bahaysto inay Soomaailya ka rabto ama inay qasnaato oo Itoobiya furun ku furan ahaato?

Arrinta xubanaha baarlamaanka ee garabka jabuuti dawlad wadaaga la yeeshay ee ay Xisbul islaam diidan yihiin haatan sow ma aha kuwa ay iyaguba qayb libaax ka siiyeen awood qaybsigi lagu dhisay isbahaysiga dib u xoraynta ee Xuseen Caydiid iyo Shariif Xasan ay ku heleen jagooyin muuqda iyagoo xubnihii la socdayna halkaasi siyaasadda wax laga siiyey!

Haddii mucaaradka ka dhab tahay in ay u dagaallamayaan shareecada oo la dabaqo iyo ciidamada AMISOM oo dalka laga saaro sida ay sheegtaan ayaa waxaa is weysiin leh waxa ay Jawhar, Mahaday iyo Buulo barde weerarka ugu qaadeen oo ay ula wareegeen iyadoo halkaasi maxkamadihii shareecada ka dabaqayaan sidii ay isla yaqaaneen lixdii bilood oo aysan ciidamo AMISOM-na joogin!!!

Madaxa isbahaysiga Asmara iyo Xisbul Islaam ayaa haatan ka hor sheegay in shareecada qaadashadeeda uu C/llahi Yusuf ka yeelayo balse uusan sheekh shariif ka yeeleyn isagoo mar kalena ifiyey in dadka qaar u dagaalamayeen in maamulkii C/llaahi Yuusuf iyo Itoobiya meesha laga saaro intaa markii ay heleenna ay degeen o dagaalkii ka hereen isago ula jeeday odoyadaya iyo beelaha hawiye ee dagaalkii Itobiya wax ka galay balse haatan dhanka dawladda inay u janjeeraan lagu xanto, laakiinse ay iyagu – waa mucaaradkee- weli u dagaallamayaan sidii wadaado gaar ah oo dhab ah oo xukunka laga waardiyaynayo ay talada ula wareegi lahaayeen taasoo si dadban u burinaysa hadalkii ahaa in C/llaahi ay shareecada ka yeeli lahaayen muujinaysana in ay tahay uun waxa ay wax ku yeeli karaan cidii iyaga ka amar qaadanaysa ee hoos imaanaysa oo qura, arrintuna tahay loollan awoodeed oo cid aan aniga ahayn kuma kalsooni inay shareecada dabaqdo!

Hadaba yaa xaq u siiyay in cid gaar ah wixi iyada dhalila ama wax ka sheega ay ka dhigto kuwa cadaw ilaahay ah, yaase saamaxay in  cid gaar ah xaq isu siiso  inay tahay cidda shareeco qaadashada ka diidaysa ama ka aqbalaysa shacabka iyo siyaasiyiinta kale?

Haddii ay wadaado gaar ah oo talada loo diiday u dagaallamayaan oo ay taasina dhiig ku daadinayaan, barakacinna sababayso sow taasi ma aha halka ugu horreeya ee shareecada looga tuntay.

Haddii arrintu diin tahay sow lama dhagaysteen talada iyo fatwada ay soo saareen culimo badan oo Soomaali iyo muslim kale isugu jirta oo ku baaqday wada hadal in khilaafka jira lagu xalliyo oo aysan bannaanayn dawlad sharecadii inay qaadatay sheegayso in xabbad lagala hor tago ama dhiig sokeeye kursi ama qaabka koox shareecada u rabto loogu dhiig daadiyo iyadoo aan la eegeyn dhibaato kale ee ballaaran ee ka dhalan kara haddi dagaal sokeeye la galo?!

Waxaa maalin kasta marada ka sii dhacaysaa oo shacabka kusii hor kufaya islaamiyiinta lixdii billood ku faanayey balse shacabka haatan baday dhib ka weyn wixii ay sheeganayeen taasoo keentay in wadaad hubaysan oo shareeco xabbad ku doonaya sanka laga qabsado in badani ku qanacdo in wax badan aysan qabqablayaashii kaga duwaynay marka damaca siyaasadeed,  isu tanaasul la’aanta, kalitalisnimo, xoog wax ku doonka, u tafo xaydnaanta dagaalka iyo dhiigga sokeeye  laga hadlayo balse ay dheer yihiin dalkii oo dagaal shisheeye oo uusan ka bixin ku fureen.