U bood dhigaalka

Puntland: 123 Kiis Kufsi Ah Oo Sanad Gudahiis Dhacay

Sheeko:Dalka

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xasan Aw Cismaan ayaa ka hadlay tacadiyadii ugu dambeeyey ee dhanka Kufsiga, kuwaa oo ka dhacay deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo.

Waxa uu sheegay Xeer ilaaliyaha in tirada guud ee Kufsiga ka dhacay gobollada Puntland ay gaarayaan 120 Kiis oo kufsi ah.

“Kufsiga ka dhacay Puntland waa 123 Kiis, waayna u kala dhaceen, gobolka Nugaal 11 Kufsi, Bari 58 Kufsi, Karkaar 26 kufsi, Cayn 2 kufsi, Mudug 13 kufsi, Sanaag 4, kufsigaasi oo isugu jira mid wadar loo galo iyo mid qof caadi ah uu sameeyo, sanadkaan waxa uu ahaa midkii ugu badnaa ee Kufsiga” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.

Dhanka kale xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa sheegay in qiimeyn ay sameeyeen sababaha badiyey Kufsiga ayuu tilmaamay iney tahay in guurkii oo yaraaday iyo dhallinyaradii oo aad u badan.

Maamulka Puntland ayaa bishii tagtay xukun ku ridey Lix dhallinyaro ah oo kufsi u geystay Labo gabar oo ku dhaqnaa degmada Goldogob ee Puntland.

Goobjoog News