Howlaha Ganacsiga ee Magaalada Jowhar oo Maalintii Labaad Hakad Ku jira

Qeybo badan oo kamid ah goobaha ganacsiga magaalada Jowhar ayaa hakad ku jira maalintii labaad iyadoo maaliminadii shalay aheyd uu baaqday banaan bax la qorsheynayay in uu halkaasi ka dhaco.

Maamulka gobolka Shabeelaha hoose ayaa maanta qaban qaabinaya banaan bax baroor diiq ah oo ka dhaca magaalada Jowhar.

Banaan baxan saameeyey isusocodka dadka iyo ganacisga ee la filayo inuu maanta Jowhar ka qabsooma ayaa ku soo beegmaya xili magaalada Muqdisho Arbacadii ay isugu soo baxeen kumanaan qof oo ka xun qaraxii galaaftay nolosha in ka badan 300 oo qof.

Goobjoog Business

Please follow and like us: