Qaraxii Soobe oo Burburiyay Xaruntii Bangiga IBS ee KM5 Balse Qasaare Maaliyadeed Uma Geysan

Qaraxii October 14 ee ka dhacay isgoyska Soobe ayaa gebi ahaanba burburiyay xaruntii bangiga IBS (International Bank of Somalia) ee uu ku lahaa KM5 ee ku dhextaalay gudaha Hoteel Safaari.

Madaxii bangigaas ee xarunta Km5 ayaa dhaawac soo gaaray iyadoo sida naloo xaqiijiyay shaqaalaha ay waqtigaasi aadeen salaadda casir oo waqtigeeda la joogay markii uu qaraxa dhacayay.

Mid kamid ah shaqaalaha IBS ayaa Goobjoog Business u xaqiijiyay in lacagtii ku jirtay qasnadaha bangiga ee xarunta KM5 ay bad qabto oo wax qasaaro lacageed ah aanay soo gaarin.

Waxaa kale oo uu inoo xaqiijiyay in qasnadaha lacagta ay ahaayeen kuwa aad looga taxadiray oo dabka iyo rasaastaba celiya, sidaa darteedna aanu wax qasaaro lacageed ah u geysay qaraxii baaxadda weynaa ee October 14 gilgilay magaalada Muqdisho.

Qaraxaa ayaa burburiyay dhismahii xarunka IBS ee KM5 iyo wixii agab ahaa ee yaallay xafiisyada bangiga.

 

Goobjoog Business

Please follow and like us: