Gabadhii Madowga Aheyd ee Xayeysiintii Dove Ku Jirtay oo Difaacday Shirkadda

Lola Ogunyemi oo gabar madow ah oo qeyb-ka-aheyd xayeysiin dood badan dhalisay oo shirkadda DOVE ay dhawaantan barteeda Facebook soo gelisay ayaa sheegtay in xayeysiintaas si qaldan loo fasiray.

Shirkadda ayaa barta ay Facebook ku leedahay soo gelisay xayeysiin muujineysa gabar madow ah oo isku badaleysa gabar cad kadib markii ay isticmaashay Dove-Body-Lotion oo ah cream ay shirkadda goor dhaw soo saartay.

Baraha bulshada ayey ku faaftay xayeysiintaas, waxaana arrintaasi ay noqotay mid si weyn looga dooday baraha bulshada. Muddo kadib shirkadda DOVE waxey ka saartay xayeysiintii barteeda.

Shirkadda Dove ayaa isla markiiba xayeysiintaasi ka saartay barteeda waxeyna raaligelin ka bixisay waxa dhacay, iyadoo sheegtay in xayeysiintu sidii loogu tirogalay aanay u dhicin.

Baraha bulshada ayey ku faaftay xayeysiintaas, waxaana arrintaasi ay noqotay mid si weyn looga dooday baraha bulshada. Inkastoo shirkadda Dove ay qiratay qaladkeeda hadane weli waxaa socda hadal haynta midab takoorta.

Gabadha madowga ah ee xayeysiinta Dove ku jirtay oo wareysi siisay saxaafadda ayaa sheegtay in xayeysiintaasi aanay wax cunsuriyad ah ku jirin, iyadoo sheegtay in dadku ay si qalad ah u fahmeen.

“In aan fursad u helay in matalo gabdhaha walaalahey ah ee midabkeyga waxaan dareemay iney tahay fursad dahabi ah oo aan dunida ugu sheegeyno in aan joogno masraxyada caalamka oo aan qurux badanahay, nalana qiimeeyo” ayey tiri Lola Ogunyemi, “uma maleeynayo in xayeysiintaa in ay aheyd mid cunsuri ah, si qaldan ayaa loo fahmay” ayey sii raacisay.

Goobjoog Business

Please follow and like us: