U bood dhigaalka

17 Ku Dhimatay Duqeyn Ka Dhacday Libya

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 17 qof oo u badan caruur iyo haween ayaa ku dhintay weerar cirka ah oo ay ku qaadeen diyaarado aan haybtooda lagaraneynin Magaalada Darnah ee dalka Liibiya.

Golaha sare ee dowladda Liibiya ayaa waxaa uu ugu baaqay golaha amniga ee dalkaasi inuu qabto fadhi degdeg ah kaasi oo lagu cambaareynaayo xasuuqa ay geysteen diyaaradahaan.

Yaxye Asdi Cumar oo ka tirsan golaha amniga ee magaalada Darnah ayaa waxaa uu cadeeyay in diyaaradaha Masar ay duqeeyeen markii shanaad magaaladaani, waxaa uu hoosta ka xariiqay in duqeyntaani lala beegsaday labo qoys kuwaasi oo ku kulansanaa munaasab ay dhiganayeen.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa waxay sheegtay in duqeyntaan ay ku dhinteen 15 qof, halka Anadolu Agency ay sheegtay inay ku dhinteen 17 qof ilo wareedyo caafimaad ayaa waxay sheegayaan in dadka waxyeellada ay soogaartay ay u badanyihiin haween iyo caruur sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray 25 kale .

Magaalo xeebeedka Darnah waxay ku dhawaad u jirtaa 265 KM dhanka galbeed ee xaduudka ay wadaagaan Masar iyo Liibiya. Waxaana gacanta ku hayo kooxo islaamiyiin mucaarad hore ah oo hadda loo yaqaano golaha wadatashiga Darnah.

Ururka la magac baxay dowladda Islaamka ayaa qabsaday Darnah dabayaaqadii sanadkii 2014, balse golaha wadatashiga Darnah ayaa dib uga saaray Daacish magaaladaan sanadkii 2015.

Aljazeera+Wakaaladaha

Goobjoog News