Xog: Qiimaha la iibiyo taleefonka iPhone X oo ka badan celceliska mushaarka qofka Afrika ku nool!

Taleefishinka Aljazeera ayaa u kuurgalay sida dadyowga caalamka ay u awoodaan in ay iibsadaan taleefonka cusub ee shirkadda Apple ay dhawaanahan shaaca ka qaaday.

Shirkadda Apple ayaa bishii lasoo dhaafay soo bandhigtay taleefonada kala ah iPhone 8 iyo iPhone X oo aad loo sugayay.

Hadaba, taleefishinka Aljazeera isku-barbardhigay celceliska mushaarka dadka ku nool caalamka ay qaataan bil walba iyo qiimaha uu jooga taleefonka iPhone X, natiijada ay soo saareen ayaa noqotay mid aad aad loola yaabay.

Dadka ku nool Waqooyga Ameerika, Yurub iyo Bartamaha Aasiya kaliya ayaa awooda in ay mushaarkooda (billaha ah) ka iibsadaan taleefonka iPhone X oo qiimahiisa uu yahay ku dhawaad $1,000.

Halka dadyohowga caalamka ee ku nool Afrika, bariga Aasiya, Bariga Dhexe iyo koofurta Aasiya aanay awoodin in ay mushaarkooda ka iibsadaan taleefonka iPhone X. Waxaana arrintan ay macnaheedu tahay in celiceliska mushaarka ay qaataan bishiiba dadka u dhashay dalalkaasi uu ka yaryahay qiimaha la iibiyo taleefonka cusub ee iPhone X.

 

Goobjoog Business

Please follow and like us: