Wasiir Beyle oo Caawa Ka Qeybgalaya Dood Wadaag Lagu Qabanayo Jaamacadda Johns Hopkins

Wasiirka Maaliyadda, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa caawa ka qeybgalaya dood-wadaag lagu qabanayo Jaamacadda Johns Hopkins xarunteeda Washintgon DC.

Dood wadaagga ayaa noqonaya mid lagu lafa-gurayo mustaqbalka siyaasadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka ayaana kasoo qeybgalayaasha iyo xubnaha kale ee dood-wadaagga la wadaagi doona aragtidiisa ku aaddan mustaqbalka dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa ku doodi doona in Soomaaliya ay bulaali karto dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba. Waxaana dood-wadaaggu uu bilaaban doonaa saacadda marka ay tahay 04:30pm xiliga Mareykanka oo ku beegan caawa gelinka dambe xilliga Soomaaliya.

Dr. Beyle ayaa todobaadkii lasoo dhaafay bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay, isagoona ku booriyay dadweynaha in ay kasoo qeybgalaan ama la socdaan.

Please follow and like us: