Wasiir Beyle oo Washington uga qeybgalaya kulanka sanadlaha ah ee IMF & World Bank

Photo: MPF Somalia

Photo credit: MPF Somalia (Twitter: @mpfsomalia)

Wasiirka Maaliyadda DFS iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalaya shirka IMF/Bangiga Aduunka (Spring Summit) oo ka furmaya Magaalada Washington ee xarunta dalka Mareykanka.

Shirkan oo sanadle ah ayaa waxaa isugu yimaada bangiyada dhexe ee dalalka caalamka, wasiirada maaliyadaha, bulshada rayidka ah, mutacalimiinta iyo dhaqaaleyahanada waxaana diiradda lagu saaraa sidoo kalena looga doodaa mushkiladaha dhaqaale ee caalamka, waxaana leysla meel dhigaa sidii xal looga gaari lahaa.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka ah ayaa gaaray todobaadkan magaalada Washington ee casiimadda dalka Mareykanka si uu ugu qeybgalo kulanka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka/IMF iyo Spring Meeting oo socon dooa 9-15 October 2017.

Wasiir Beyle ayaa si hordhac ah kulamo kala duwan la yeeshay madax ka socota Bangiga Adduunka talaadadii lasoo dhaafay.

Safarkan ayaa noqonaya safarkii labaad ee uu Wasiir Beyle ku tago magaalada Washington isagoo ka qeybgalaya shirka IMF iyo World Bank tan iyo markii xilkan loo magacaabay.

 

Goobjoog Business

 

Please follow and like us: