Shirkadda DP World oo Si Rasmi ah Ula Wareegtay Dekedda Boosaaso

Waxaa maanta oo Khamiis ah magaalada Boosaaso ee gobolka Bari lagu qabtay munaasabad ay shirkadda DP World kula wareegeysay dekedda magaaladaas.

Wareejintan ayaa imaaneysa kadib markii shirkadda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay iyo maamulka Puntland ay kala saxiixdeen heshiis 30 sano ah oo shirkaddaasi ay maamuleyso dekedda Boosaaso. Waxaana heshiiskaasi dhanka Puntland u saxiixay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Heshiiska labada dhinac waxaa qeyb ka ahaa in shirkadda DP World ay dayactir iyo dib u dhis ay ku sameyneyso dekedda Boosaaso iyadoo ay ku bixi doonto lacag dhan 336 milyan oo doolar.

Munaasabadda wareejinta dekedda waxaa goobjoog ka ahaa madax mataleysay maamulka Puntland.

Halka shirkadda DP World ay matalayeen masuuliyiin shirkaddaasi ka tirsan oo horay ula wareegay dekedda Berbera.

Shirkaddan dalka Imaaraadka laga leeeyahay ayaa aad u daneyneysa in ay la wareegto maamulidda dekedaha dalka, waxaana jira warar leysla dhexmarayo oo sheegaya in shirkaddaasi ay daneyneyso la wareegidda dekedaha Baraawe iyo Hobyo.

 

Goobjoog Business

Please follow and like us: