Ethiopia: Bangiga Dhexe oo 15% Hoos U Dhigay Qiimaha Lacagta Dalkaas Si Uu U Dhiirrogeliyo Waxdhoofinta

Bangiga Dhexe ee Ethiopia ayaa hoos u dhigay qiimaha lacagta dalkaasi marka lagu badalanayo lacagaha kale si kor loogu qaado heerka wax dhoofinta Ethiopia.

Talaadadii lasoo dhaafay ayuu Bangiga Dhexe ee dalkaasi 15% hoos u dhigay qiimaha lacagta Birta Ethiopia.

Isniintii lasoo dhaafay ayuu Bangiga tabiyay in celceliska qiimaha lacagta Birta marka Doollarka loo fiiriyo ay aheyd 23.4177, halka markii uu isbadalkan dhaqan galayna ay noqotay 26.9215. Waxeyna arrintaasi ka dhigantahay in lacagta Birta Ethiopia ay hoos u dhacday 3.5038.

“Qiima dhaca lacagta Birta waxaa loo sameeyay in kor loo qaado wax-dhoofinta dalka kaas oo ahaa mid hooseeyay Shantii sano ee lasoo dhaafay iyadoo ay ugu wacneyd qiimaha Birta oo ahaa mid xooggan marka loo barbar dhigo lacagaha kale” ayuu yiri ku xigeenka madaxa Bangiga Dhexe ee Ethiopia, Yohannes Ayalew.

Bangiga Adduunka iyo hay’adda IMF ayaa dowladda Ethiopian kula talinayay in ay hoos u dhigaan qiimaha lacagtooda si wax-dhoofinta dalkaasi ay horumar u sameyso.

Dalka Itoobiya oo ku yaalla Bariga Afrika waa dalka kaalinta koobaad ku jira qaaradda Afrika dhanka wax-soo-saarka bunka, hase-ahaatee sanooyinkii ugu dambeeyay hoos ayuu usii dhacaayay.

Sanad xisaabeedka 2017/2018 dowladda Itoobiya waxey heshay $2.9 bilyan halka yoolka uu ahaa $4 bilyan.

Si kastaba, dhaqaalaha dalka Itoobiya waxuu kamid yahay kuwa ugu koritaanka badan qaaradda Africa.

 

 

Goobjoog Business

Please follow and like us: