Ma tahay ganacsade ka ganacsada cunnooyinka? Codsiga ka qeybgalka carwada Dubai Gulfood Expo ayaa furan

Haddii aad tahay ganacsade ama shirkad ka ganacsata cunnooyinka waxaa furan codsiga fursad aad uga qeybgali karto Carwada caalamiga ah ee Dubai Gulfood Expo.

Gulfood waa mid kamid ah carwooyinka ugu muhiimsan caalamka ee lagu soo bandhigo cunnooyinka shirkadaha iyo maqaayadaha kala duwan ee caalamka, waxaana madashaas ku kulma shirkadaha, maalgeshtayaasha, macmiisha iyo ganacsatada ka shaqeeya arrimaha cuntada.

Ujeeddooyinka carwada waxaa kamid ah in ay isku xermaan sidoo kalena ay xiriir yeeshaan shirkadaha, macmiisha iyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha cunnoooyinka.

Mashruuca GEEL ee UNDP ayaa taageereysa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku guuleysata in ay ka qeybgasho Carwada iyadoo ka taageereyso fududeynta fiisaha iyo bandhigga iyo isku-xerka ganacsatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha kale ee kasoo qeybgalaya Carwada.

Hadaba haddii aad dooneyso faahfaahin dheeraad ah ama aad dooneyso in aad ka qeybgasho Carwada Gulfood Expo ee 18-22-ka February, 2018, ka dhaceysa magaalada Dubai riix halkan.

 

Goobjoog Business

 

Please follow and like us: