Madaxweyne Gaas oo Sheegay In La Xaliyay Xasaraddii Maaliyadeed ee Ka Taagneyd Deegaanada Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland, Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in la xaliyay xasaraddii maaliyadeed ka taagnaa deegaanada Puntland.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in dhibaatada maaliyadeed ee Puntland iyo gobolo kale oo Galgaduud iyo Hirshabeelle saameysay ay masuul ka ahaayeen Alshabaab oo diiday in shilin Soomaaliga qaar lagu kala ganacsado.

La xiriira; Diidmada Sh.So oo Saameeyay Suuqyada Gaalkacyo

Dr Cabdwali Gaas ayaa ugu dambeyntii sheegay in si wanaagsan lagu soo afjaray laguna xaliyay diidmadii shilinka Sooomaaliga ee ka taagnaa Puntland.

“Arrintaa waan xalinay, si wanaagsan beyna u xalismatay. fitnadana waxaa abuuray shabaab kadib markii ay diideen lacagtii laga qaadanayay gobolada dhexe” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

La xiriira; Puntland oo Go’aan Kasoo Saartay Diidmada Sh.Soomaaliga

Madaxweyne Gaas ayaa intaa ku daray in suuqa uu iskii u xaliyay xasaraddii maaliyadeed ee ka taagnaa deegaanada Puntland, taas oo ay macnaheedu ka dhigantahay in ganacsatada iyo shacabka Puntland ay si tartiib tartiib ah xal uga gaareen dhibaatada maaliyadeed.

“Lacagta sideedaba waxey ku shaqeysaa kalsooni, haddii dadku ay diidan lacag ma noqoneyso- xaanshada waxba kagama duwana. Marka suuqa ayaa si caadi ah isku xaliyay, dowladdana waxey muddo isku dayeysay in lacagta la qaato” ayuu hadalkiisa kusoo gababageeyay madaxweynaha Puntland Cabdiwali M Cali.

 

Goobjoog Business

 

 

Please follow and like us: