Dab Ka Kacay Dekedda Berbera oo Lagu Guuleystay In Si Degdeg Ah Loo Damiyo

Saakay abaara 10-kii subaxnimo ayuu dab ka kacay mid kamid ah konteenara dhowr ah oo yaallay dekedda magaalada Berbera.

Cabdiraxmaan Heybe oo kamid ah shaqaalaha dekedda Berbera ayaa Goobjoog Business u sheegay in dabkan uu ka dhashay kadib markii heerkulka konteenarka uu ka sare-maray heerkulkii loogu tirogalay alaabta ku jirtay konteenarka.

Shaqaalaha iyo dab-damiska dekedda ayaa ku guuleystay in ay si deg deg ah ku damiyaan dabka, waxaana Cabdiraxmaan Heybe uu innoo xaqiijiyay in dabka uusan geysan wax qasaaro ah.

Halkan hoose ka dhageyso Xafsa Maxamed Xasan oo arrinta dabka ka wareysatay Cabdiraxmaan Heybe oo shaqaalaha dekedda Berbera ka tiran:

Please follow and like us: