MINNEAPOLIS: Minbar Somali oo Tartan U Qabaneysa Hal-abuurayaal Soomaaliyeed

Minbar Somali oo ah hay’ad dhiirrogelisa hal-abuurka ganacsi ayaa maanta oo ah 21-ka September, 2017, tartan u qabaneysa hal-abuurayaal Soomaaliyeed oo ubaahan in loo maalgeliyo fikradahooda/ganacsigooda.

September 8, 2017, ayuu soo xirmay fursadda ay hal-abuurayaasha Soomaaliyeed ku codsan kareen in ay ka qeyb galaan tartankan caawa ka dhacaya Minneapolis, USA.

6 shirkadood oo kamid ah shirkadahii codsiyada soo gudbistay ayaa loo-doortay in ay usoo gudbaan wareegga ugu dambeeya, waxaa ayna caawa (xiliga Mareykanka) fikradahooda la wadaagi doonaan maalgeshtayaal daneynaya in ay hantidooda geliyaan fikradaha guuleysan kara. Iyadoo ay xusid mudantahay in fikradda ugu fiicnaata ama ganacsiga ugu fiicnaada uu u guuleysan doono abaal marin $25,000 ah oo ay bixineyso Minbar Somali.

Meelaha ugu muhiimsan ee shirkadaha la-maalgelinayo laga fiirinayo, sida ku qoran website-ka Minbar Somali, waxaa kamid ah:

1. Inuu ganacsiga yahay mid sare u qaadi karo heerka tayo ganacsi ee dalka, iskana caabin karo tartanka banaanka uga iman kara.

2. Inuu badin karo fursadaha maalgashi iyo raasulmaal ee ay u baahanyihiin dadka iyo ganacsiyada Soomaaliyeed.

3. Inuu kordhin karo waxsoosaarka dhinaca dalaga, kalluumeysiga, caanaha iyo tamarta dalka.

4. & inuu yareyn karo caqabadaha dhaqaale ee soo wajaha dhallinyarta iyo haweenka.

Shirkadaha/hal-abuureyaasha usoo gudbay wareegga ugu dambeeyo:

  • Dhaka Jabiye
  • Simple Oral Care
  • Afam Enterprises
  • Radio Daljir
  • Titan Mixer Bottle
  • Mama Weliye

Maalgeshtayaasha

Maalgeshtayaasha madasha caawa kasoo qeybgali doono ee la-filayo in ay maalgeshtaan fikradahan ganacsi waxaa kamid ah:

  • Cabdirashiid Ducaale, maamulaha bangiga/xawaaladda Dahabshiil
  • Cabdiraxmaan Axmed, milkiilaha Safari Restaurant iyo All Star Home Care
  • Amina Deble, milkiilaha East Village Grill
  • John Griffith, Agaasime waaxeed ee hay’adda American Refugee Committee -ARC
  • Ibraahim Cismaan, madaxa Capital Distributors
  • Cabdiraxmaan Kaahin, madaxa Afro Deli and Grill
  • QUINTAN WIKTOROWICZ, aasaasaha Affinis Labs.

 

Goobjoog Business

Please follow and like us: