Dowladda Sucuudiga Oo Dhul Saxare Ah U Bedalaysa Magaalooyin Qurxoon Oo Loo Dalxiis Tago

Xukuumada Riyaad ayaa si weyn ugu howlan sidii ay u yareyn laheyd ku tiirsanaanta Dhaqaalaheeda ee dhanka Shidaalka Ayaa bilowday qorsho cusub oo ay uga gaashaamaneyso arintaasi

Dawladda Sucuudiga ayaa in kabadan  50 sano dhaqaalaha dalkeedu uu kutiirsanaa shidaalka, balse haatan waxay u jeedsatay dhinaca saxaraha Rubuc Al-khaali waxaana ay ugu talagashay in saxarahaasi ay kadhisto magaalooyin aad u qurxoon oo ay ugu talogashay in  loo dalxiis yimaado iyo sidoo kale inay kaga maaranto ku tiirsanaanta dhaqaalaha ee shidaalka.

Magaalooyinka  cusub ee ay dawlada Sucuudiga samaynayso ayaa waxaa ugu horreeya laba magaalo oo mid ka mid ah bedka ay kufadhida uu noqonayo bed la mid ah midka Dalka Belgium uu kufadhiyo.

Halka magaalada labaadna bedkeedu uu noqonayo bedka ay kufadhido magaalo madaxda Dalka Ruushka ee Moscow, tallaabadan Boqortooyada Sucuudiga ayaa ah mid aan horay Dunida looga hirgalin waxaanu mashruucaasi noqonayaa mid aad wax uga bedala dhaqaalaha Dalkaasi, sidoo kalena waxa uu hoos u dhigayaa tirade dadka u dhashay Dalkaasi ee sanad walba la xaqiijiyay in dhaqaalaha ugu badan uu kaga baxo Dalxiiska ay ku tagaan waddamada shisheeye waxaana qorshahani hoggaamiya dhaxal-sugaha Dalkaasi ee Maxamed Bin Salmaan.

 

Goobjoog Business

Please follow and like us: