Muqdisho: Wadada Isku-xerta KPP & Isgoyska Shaqaalaha oo Maanta Dib Loo Furay

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Taabit Cabdi oo saakay gaaray wadada isku xerta KPP iyo Isgoyska Shaqaalaha ayaa furay wadaadaas oo muddooyinkii ugu dambeeyayba xernaa, tan iyo markii la dayactiray.

Ciidamada Dowladda ayaa difaacyo ka sameystay wadadaas mana jirin dadweyne ama gawaari si dhameystiran u isticmaali jiray wadadaas.

Guddoomiyaha & Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maanta wixii ka dambeeya dadweynaha ay isticmaali karaan wadada.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in wadadan maanta wixii ka dambeeya furan tahay oo ay isticmaali karaan, waxaan sidoo kale shacabka ka codsaneynaa iney amniga nagala shaqeeyaan” ayuu yiri guddoomiye Taabit.

Ganacsatada iyo dadka dagan xaafadaasi ayaa talaabadan soo dhaweeeyay waxeyna ku tilmaameen mid soo celineysa isu-socodka dadka iyo gaadiidka.

Goobjoog Business

Please follow and like us: