Saameynta Uu Ganacsatada Ku Yeelan Karo Qaadka Kenya Ka Yimaada oo La Filayo In Uu Hakad Galo (Maqal)

Dalka Kenya maalinta berri ah waxaa lagu ballansanyahay in ay qabsoonto doorashada Madaxweynenimo, waxaana ku tartamaya Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo ka kala socda xisbiga Jubilee iyo gaashaanbuurta NASA.

Kenyan fara-badan ayaa cabsi ka qaba doorashada maalinta berri dhaceysa ah ka dhaceysa dalkaas, waxaana ayna ka walwalsanyihiin in qalalaaso ay kiciyaan taageerayaasha musharaxiinta tartamaya.

Hadaba, waxaa ay u badantahay in maalmaha soo-socda aanay Muqdisho kasoo dagin diyaaradaha qaadka keena maadaama dalka uu galayo marxad xasaasi ah.

Si aan wax badan uga ogaana saameynta arrintaasi ay ku yeelan karto ganacsatada qaadka ku iibiya Muqdisho, Xasan Kaafi Xaaji Maxamed oo Goobjoog Business ka tirsan ayaa wareystay ganacsatadaas.

Halkan hoose ka dhageyso:

 

Goobjoog Business

Please follow and like us: