Dowladda oo Ka Noqotay Heshiisyo Ay Kula Jirtay Shirkado Gaar Loo Leeleeyahay

Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu joojiyay heshiisyo dowladda ay kula jirtay shirkado si gaar ah loo leeyahay.

Shirkadaha heshiiskooda la joojiyay ayaa dhammaantood ahaa shirkado private ah oo adeegyo kala duwan u qabanayay dowladda, waxaan loo qabtay muddo laba maalin ah si ay usoo gabagabeeyaan adeegyadooda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku saxiixnaa wareegtada waxaan lagu xusay Wareegtada in arrintaasi lala socodsiiyay Madaxweynaha dalka, Raisul Wasaaraha, Hantidhowrka Guud, Xisaabiyaha Guud ee Dalka iyo Wasiiru Dowlaha W. Maaliyadda iyo ku xigeenka Wasiirka Maaliyadda.

“Waxaan halkan idinku wargelinayaa in laga bilaabo 31da July, 2017, laga baxayo dhammaan heshiisyada Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowliga ah la galeen shirkadaha sida qaaska ah loo leeyahay” ayaa lagu sheegay wareegtada.

Shirkadaha ay arrintaasi saameyneyso waxa kamid ah:

1- .Shirkadda Visooyinka,

2-.Shirkadda Pasaporka,

3- Shirkadda Lesinada iyo Taargooyinka,

4- Shirkadda Tresmitralaha,

5- Shirkadda Gaadiidka Airporka,

6- Shirkadda Sameysa Shahaadooyinka

7-Shirkadda Notaayoyinka/Superlogoyinka,

8- Shirkadda Quality Controlka,

9-. Shirkadda PGM ee Dekadda

11- Shirkadda Scanka Dekadda,

12-Shirkadda Shatiyada kala duwan,

13- Shirkadda Sameyso Dhalashada iyo Kaarka Aqoonsiga.

14- Shirkadda Canshuuraha Guryaha,

15 Shirkadda Shidaalka siisa Ciidanka,

16 Shirkadda Raashinka iyo Cuntada siisa Police-ka,

17 – Shirkadda Shidaalka siiso Gobolka Banaadir.

 

Goobjoog Business

 

Please follow and like us: