Shirkadda Albayrak oo Muqdisho Soo Gaarsiiyay Qalab Lagu Dayactirayo Dekedda Muqdisho

Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliya, Khadra Axmed Ducaale ayaa sheegtay in Shirkadda maamusha dekedda Muqdisho ee Albayrak laga doonayo in ay si dag dag ah u dayactiraan dekedda Muqdisho.

Dhawaan waxaa dekedda Muqdisho kusoo xertay markab siday qalab lagu dayactirayo dekedda oo ka yimid dalka Turkiga.

Wasiirka iyo Madaxa Shirkadda Albayrak Soomaaliya oo shir jaraaid dekedda Muqdisho ku qabtay ayaa saxaafadda uga warbixiyay qalabka Muqdisho soo gaaray ee lagu dayactirayo dekedda.

Khadra Ducaale ayaa soo dhaweysay qalabka soo gaaray Muqdisho iyada oo u mahadcelisay shirkadda Albayrak. Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay in qalabkan uu bilaw u yahay dayactirka dekedda iyo arrintan ay timaaday wada-hadal iyo dadaal badan kadib.

“Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa jiray ciriiri badan, runtii wada shaqeyn badan iyo wada-hadal kadib waxaa shirkadda Albayrak ay soo bilawday qalab wax ka tari doono howsha dekadda. Qalabkan runtii waxuu ahaa qalab loo baahnaa in waqti hore la keeno laakiin howlo badan oo jirtay oo ay inoo sheegeen shirkadda, waxa uu ilaahey suurageliyay in maanta ay keenaan qalabkan aad arkeysaan” ayey tiri Wasiir Khadra Axmed Ducaale.

Wasiiradda ayaa intaasi sii raacisay in qalabkan uu yahay mid bilaw ah oo inta badan qalabkii lagu dayactiri lahaa aan la keenin.

Ugu dambeyntii, Wasiiradda ayaa ka codsatay shirkadda Albayrak in ay dardar-geliso dayactirka iyo dib u qaabeynta dekedda.

 

Goobjoog Business

Please follow and like us: