Qiimaha Saamiyada Dunida Oo Tagay Meeshii Ugu Badneyd In Muddo Ah

Saamiyada dunida ayaa sara-u-kacii ugu xooganaa laga dareemayaa dunida tan iyo bartamahii 2015 kadib markii xogta laga helayo dalka Shiinaha ay tilmaamayaan in dhaqaalahada dunida uu sii kobci doono sanadka soo socda iyo sacir-barar baahsan oo suuqyada ka jiray tan markii uu sanadkan cusub bilawday.

17’dii bilood ugu dambeysay shirkadaha adeegyada bixiya ee dalka shiinaha ayaa u kobcayay si joogto ah sida lagu ogaaday cilmi-baaris laga sameeyay dalka Shiinaha.

Waxaa intaas sii dheer, war-saxaafadeed kasoo baxay halka laga maamulo nidaamka maaliyadeed ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay filayaan dhaqaalo koror iyo sicir-barar isla socda.

Jaraaid lagu magacaabo MSCI World Equity Index oo qiimeyn ku sameeyay saamiyo kala duwan oo laga kala leeyahay in ka badan 46 wadan ayaa sheegay in qiimahooda uu sara-u-kacay 0.4% oo ah qiimahii ugu badna tan iyo bishii July sanadkii 2015.

Sara u kaca intaa la eg ayaa loo sababeynayaa in la filayo in labada wadan ee dunida ugu dhaqaalaha badan uu dhaqaalahooda kobco.

 

Goobjoog Business

Please follow and like us: