Golaha Degaanka Magaalada Gaalkacyo Oo Duqa Magaaladaasi Ku Eedeeyay In uu Diiday La Xisaabtan Maaliyadeed

Cali Xuseen Cali oo kamid ah golaha degaanka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in duqa magaladaasi uu ka dhago adeygay in golaha deegaanka ay la xisaabtamaan.

Dhanka kale Cali Xuseen ayaa xusay in dastuurka Galmudug uu sheegayo in Duqa Magaalada uu lixdii bileed ama sanadkiiba mar uu golaha guurtida usoo gudbiyo xisaab celin qoraal ah iyo waxyaalahii uusoo qabtay. Balse waxa uu intaasi ku daray in Mayorka Gaalkacyo uusan fulin arrintaasi.

“Galmudug hal sano iyo bar ayey jirtaa, dastuurkana waxaa ku qoran in mayorka xisaab celin qoraal ah uu usoo gudbiyo xildhibaanada golaha deegaanka.

“Sharciga dastuurka Galmudug ku qoran waxa uu sheegayaa in mayorka markii lix bilood ama hal sano uu joogo in golaha deegaanka waxii uu soo qabtay oo qoraal ah usoo gudbiyo” ayuu yiri Cali Xuseen oo kamid ah golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo.

Dhankale kale, duqa magaaladda gaalkacyo xirisi yuusuf barre oo aan la  xiriinay ayaa jawaab ka bixin eedeentaan kaga timid goloha degaanka Gaalkacyo.

 

Goobjoog Business

Please follow and like us: