Banaanbax Ka Dhacay Turkiga Oo Saameyn Ku Yeeshay Suuqyada Dalkaas

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa ka dhacay banaan bax ballaaran oo saameyn ku yeeshay suuqyada iyo ganacsiga dalkaas.

Malaayiin banaan baxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinka Ankara iyo Istanbul kuwaas oo doonayay in ay muujiyaan sida ay u garab taaganyihiin dowladooda sidoo kalena ugu xunyihiin afgambigii dhicisoobay ee sanad kahor lagu qaaday dowladda madaxweyne Raccep Tayib Erdogan.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu jiray taageerayaasha Erdogan iyo xisbiga mucaaradka.

Suuqyada iyo dukaamada waaweyn ee magaalooyinka Istanbul & Ankara ayaa badankood la xiray gaar ahaan kuwa u dhawaa goobaha uu banaan baxa ka dhacayay.

Hal sano ayaa laga joogaa markii afgambigii dhicisoobay ee Turkiga lagu qaaday uu fashilmay, tan iyo markaas wax badan ayaa iska badalay siyaasadda dalkaas.

Goobjoog Business

Please follow and like us: