Shaqaalaha Dalka Japan Oo Ka Cabanaya Waqtiga Shaqada

Shaqaalaha dalka Japan ayaa ka cabanaya waqtiga dheer ee ay ka shaqeeyaan goobaha shaqada.

Cabashadan oo muddo soo jirtay ayaa waqtigan sii huriyay kadib markii ay isdishay gabar u shaqeyneysay shirkad wax xayeysiisa oo dalka Japan ku taala.

Gabadhan ayaa isku dishay waqtiga shaqada oo ku dheeraa awgiis iyadoo todobaadkiiba 10 saacadood kaliya jiifan jirtay.

Shaqaalaha dalka Japan ayaa kamid ah shaqaalaha dunida ugu badan waqtiga shaqada.

Sababaha ku kalifa in dadka Japan ay waqtiyo badan shaqeeyaan ayaa waxaa kamid ah maciishadda nolosha dalkaas oo aad u sareysa.

Goobjoog Business

Please follow and like us: