Dowladda Mareykanka Oo Soomaaliya Ugu Deeqday $126 Milyan

Dowladda Mareykanka ayaa $126 milyan ugu talagashay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Lacag gaareysa $639 Milyan ayaa si wadajir ah loogu deeqay dalalka Soomaaliya, Koofur Sudan iyo Nigeria ayaa loosoo marsiin doonaa hay’ada Qaramada Midoobeey gaar ahaan hay’ada cunada adduunka ee WFP.

639 Milyan oo doolar ayaa loogu deeqayaa 30 milyan oo qof oo ku kala sugan wadamada Soomaaliya, Nigeria iyo Koofurta Suudan oo lacagtan loogu tala galay.

Deeqdan gargaarka ah ayaa waxa ay qeyb ka tahay dadaalada lugula tacaalayo baahida iyo abaaraha kajira bariga Afrika.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in deeqaha gargaarka ah ee la siinayo dadka Soomaalida ah aanay dadka Soomaaliyeed ka saari karin baahida iyo abaarta, balse looga baahanyahay in ay istaageeraan ayna ka faa’iidaystaan kheyraadkooda.

Goobjoog Business

Please follow and like us: