Ganacsatada Magaalada Beledweyne oo Weli Diidan Isticmaalka Shilinka Soomaaliga

Ganacsatada magaalada Beledweyne ayaa maalmahii ugu dambeeyayba diidanaa isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliya gaar ahaan lacagta gobolka Hiiraan kasoo gasho dhanka maamulka Puntland.

Arrintan ayaa saameyn xooggan ku yeelatay shacabka gobolka Hiiraan iyada oo sababtay in dadka ay wax ku iibsadaan kaliya lacagta doolarka ah.

Kulan Axaddii (shalay) ay wada qaateen maamulka gobolka iyo ganacsatada Beledweyne ayaa waxa ay isku raaceen in la ogolaado lacagta shilin Soomaaliga ah ee Puntland ka timaado ee ay ganacsatadu diideen.

Kulankaas kadib wax isbadal ah ma jiraan oo ganacsatada magaalada Beledweyne weli waxba kama aysan badalin go’aankii ay ku diideen lacagta shilin Soomaaliga, waxaana suuqyada Beledweyne wax lagu kala iibsadaa lacagta doolarka iyo kunka Shilin ee Muqdisho laga keeno.

 

Goobjoog Business

Please follow and like us: