Shirkadda Jaguar Land Rover oo Shaqaaleysiineysa 5,000 oo Shaqaale Cusub Ah

Shirkadda gawaarida sameysa ee Jaguar Land Rover ayaa shaqaaleysiineysa 5,000 oo shaqaale si ay kor ugu qaado qibradeeda gaari sameynta ee la xiriirta tiknoolojiyada.

Jaguar Land Rover ayaa sheegtay in ay shaqaaleysiin doonto 1,000 ijineer (electric and software engineers)  iyo 4,000 oo shaqaale kale ah oo kakala shaqeyn doono qeybaha kala duwan ee shirkadda.

Waxaa shirkaddan laga leeyahay dalka Hindiya iyada oo ay u shaqeeyaan 40,000 oo qof oo dunida dacaladeeda ku nool.

Shirkadda ayaa dooneysa in dalka Austria ay ku sameyso gaarigii ugu horreeyay ee koronto ku shaqeeya.

 

Goobjoog Business

 

Please follow and like us: