Tartanka Hal-abuurka Ganacsi ee Ardayda Jaamacadaha Somaliland oo Si Habsami Leh U Socda

Tartanka hal-abuurka ganacsi ee ardayda jaamacadaha Somaliland oo si habsami ah uga socday magaalada Hargeysa ayaa isbuuca soo aaddan galaya wajigiisii Labaad oo mid ay jaamacaduhu isku arkayaan.

Tartanka hal-abuurka ganacsi ee ardayda jaamacadaha Somaliland, waxaa ka qeybgalaya ardada dhigata kuliyadda ganacsiga ee 5 jaamacadood oo kala ah, jaamacadda Camuud, Jaamacadda Hargeysa, Jaamcadda Burco, Jaamacadda Nugaal iyo Jaamcadda Beder, ardayda dhigata kulliyada dhaqaalaha iyo ganacsiga ee sanadka ugu dambeeya oo ku tartamaya fikrad Hal-abuur ganacsi ah oo shaqeynaysa.

Cidda tartankana ku guuleysata waxaa la siinayaa maalgelin dhaqaale oo bixinayo bankiga Premier Bank. tartanka wajigiisii hore jaamacad kasta gudaheeda ayay ardayda gacansiga bartaa ku tartamayeen iyadoo kooxo loo qeybiyay kadibna jaamacad kastaa ay hal koox ay ugu dambeyn iska soo saartay.

Gudoomiyaha Jaamacada Bader Mubaarik Ibraahim Aar ayaa Voa u sheegay tartanku halka uu marayo iyo habkii lagu bilaabay:

“Waxaa laga soo gudbay tartankii jaamacadaha gudahooda ah jaamacad kastaa waxay soo saartay hal koox, Hargeysa ayaa la iskugu keenay 5 kooxood ayaa iskugu yimid, koox kastaa waxa ay ka kooban tahay saddex, 5 kooxood baa loo qabtay tabatar lagu tababarayo sida ganacsiga loo abuuro iyadoo si Practical ah wax lagu baraayo, tartankii ugu dambeeyay waxa uu dhacayaa isbuuca soo aaddan oo guddi madax banaan ay ka horjeedinayaan markaas ayaa ciddii guuleysata la siinayaa maalgelintii dhaqaale”.

Waxa uu ka hadlay 3 ulajeedaddo ee tartanka laga leeyahay, kuwaas oo kala ah:

“Saddex hadaf baanu ka lahayn markii aan qabaneynay oo ah ardaydu horta iney is dhexglaan, gobollada in laga keeno oo ay dadkii is bartaan oo iney wax wadaqabsan karaan dhalintu ay is ogaadaan, qodobka labaadna waxa uu ahaa ardayga in Practical oo tulso wixii uu soo dhigtay oo uu ganacsigii abuuro, qodobka saddexaadna waa ardayda ku guuleysta in maalgelin dhaqaale la siiyo oo ay ganacsi abuuraan”, ayuu yiri Mubaarik Ibraahim Aar.

Tartankan oo galay wajigiisii Labaad ayaa la daahfuray 3, May ,2017 waxaana hal-abuurka tartankan iska lahaa guddoomiyaha jamaacadda Beder ee Mubaarig Ibraahim Aar.

Please follow and like us: