Eritrea Oo Iska Fogaysay In Ay Qatar Ku Tahay Biyo Xireenka Ethiopia

Madaxweynaha dalka Eritrea  Isaias Afwerki ayaa diiday in xiriirka wanagsan ee ka dhexeeya maamulkiisa iyo Masar uu u adeegsanayo in uu ku carqaladeeyo dawladda deriska la ah ee Ethiopia dhismaha ay ka wado qaybo ka mid ah wadankeeda si ay u samayso biyo xireenka ugu weyn Qaarada Africa oo ay ku doonayso in ay koronto ka dhaliso

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Eritrea ayaa shaaciyay in sheegashada maamulka Ethiopia ee ku aadan in xiriirka ka dhaxeeya  Eritrea iyo Egypt uu yahay mid lagu bartilmaameedsanaayo biyaxireenka lagu tilmaamay midkii qarniga in ay tahay mid waxba kama jiraan ah,wasiirka ayaa hadalkaan ku qoray barta internetka ee wasaaradda asaga oo soo xiganaya waraysi uu madaxweyne Isaias bixiyay May 21 asaga oo ku sugan magaalada caasimadda ah ee  Asmara..

Dawlada Masar ayaa horay u sheegtay in biyo xireenka ay samaynayso Ethiopia ee ay ku doonayso in ay korontada ka dhaliso biyaha ugu badan uu ka helayo Webiga  Nile oo qayb ahaan mara dalka Masar

Biyaxireenka oo lagu wado in marka la dhamaystiro uu noqdo kan ugu weyn qaaradda oo dhan ayaa dawladda  Ethiopia ay u qorshaysay lacag dhan $6.4 billion,waxaana lagu wadaan in la dhamaystiro sanadka soosocda islamarkaana laga dhaliyo koronto dhan 6,450 megawatts

Isaias ayaa u socdaalay magaalada Qaahiro ee caasimada dalka Masar bishii November si uu ula kulmo madaxweynaha dalkaas Abdel-Fattah el-Sisi,waxaana ay ka wada hadleen labada madaxweyne sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya sida uu qoray wageyska Daily News Egypt

Ethiopia ayaa sheegtay in laba dhinac ay isku bahaysanayaan side xasiloonidaro ay uga abuurilahaayeen dalkeeda,waxaana ay durbadiida uga jawaabta in ay mamnuucday urur ay leeyihiin dadka Oromada ah oo ay ku eedeysay in laga maageliyo dalka Masar.

Goobjoog Business

Please follow and like us: