Bangiga Dhexe Ee Morocco Oo Markii Ugu Horreysay Ogolaaday 5 Kamid Ah Adeegyada Bangiyada Islaamka

Bangiga Dhexe ee dalka Morocco ayaa ansixiyay in bangiyada dalkaas ay bixin karaan shan adeeg oo kamid ah adeegyada ay bixiyaan bangiyada Islaamka ah.

Shirkadaha ceymiska bixiya iyo bangiyada dalkaas ku yaalla ayaa isku diyaarinaya sidii ay u bilaabi lahaayeen adeegyadaas dhawaantan uu ansixiyay bangiga dhexe ee dalkaas.

Sidoo kale bangiga dhexe ayaa ku dhawaaqay guddi heer sare ah oo la socda hanaanka fulinta iyo bixinta adeegyadaas. Gudiga waxaa kamid ah culimo waaweyn oo maalgelinta iyo bangiyada Islaamka ku xeelo dheer. Waxaana loo wakiishaday in ay qiimeyn iyo kormeer ku sameeyaan sida bangiyada dalkaas ay bixin doonaan adeegyadan.

Wadankan Morocco eek u yaalla waqooyga Afrika ayaa horay u diiday nidaamka bangiyada Islaamka, waxaana jirtay cabsi ay ka qabeen in wadanka uu ka dhasho dhaqdhaqaaqyo diimeed.

Ugu dambeyntii Bangiga Dhexe ee dalkaas ayaa ogolaaday hirgelinta nidaamka bangiyada Islaamka kadib markii suuqyada maaliyadda iyo bangiyada dalkaas ay soo wajaheen caqabado fara-badan.

Si kastaba ha ahaatee adeegyada Islaamiga ah ee Bangiga uu fasaxay waxaa kamid ah 1. Muraabaxah 2. Mushaaraka 3. Ijaarah 4. Mudaarabah & 5. Salam

Guddi heer sare ah oo aqoon u leh nidaamyada bangiyada Islaamka ayaa ansaxinaya hay’ad walba ama bangi walba oo doonayo in uu billaabo bixinta adeegyadaas. Bangiyada loo ogolaaday in ay bixin karaan adeegyadaas waxaa kamid ah Attijariwafa Bank, BMCE iyo Banque Centrale Populaire. Sidoo kale waxaa jira hay’ado yaryar oo deymaha bixiya waxaana kamid ah Credit Agricole iyo Credit Immobilier et Hotelie

Goobjoog Business

Please follow and like us: