Kenya Oo Dooneysa In Ay Labo Jibaarto Bunka Ay U Dhoofiso Mareykanka

Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa in ay labo jibaarto bunka ay u dhoofiso dalka Mareykanka, waxaana ay waddaa olole ay ku dooneyso in ay ku xaqiijiso hadafkaas.

“Waqooyi Ameerica ayaa suuq weyn oo bunka loo dhoofiyo, waxaana fileynaa in aan sare u qaadno oo aan kobcino suuqeena” sidaa waxaa yiri Kiplimo Melli oo ah Madaxa Waaxda Bunka Ee Dowladda Kenya.

Intii u dhaxeysay 2016-2016 dalka Kenya waxa uu Mareykanka u dhoofiyay 14% wax soo saarka guud ee bunka dalkaas oo sidoo kalena u dhiganta 6.1 million oo kiiloogaraam.

Dalka Jarmalka ayaa noqday wadankii ugu badnaa ee Kenya ka dhoofsaday bunka sanadkii lasoo dhaafay, waxa uuna dhoofsaday 8.17 milyan oo kiiloogaraam. Wadanka Belgium ayaa noqday wadanka labaad waxa uunka Kenya ka dhoofsaday 7.4 milyan oo kiiloogaraam.

Inkasta oo dalka Kenya uusan aheyn wadanka ugu soo saarka badan bunka wadamada dhaca bariga afrika hadana wadama dhoofsada bunka ayaa aad u doorbida iyada oo loo sababeeyay uduga iyo dhadhanka bunka Kenya uu leeyahay.

Wadamada Itoobiya iyo Uganda ayaa kaalmaha hore kaga jira wadamada dhaca bariga iyo bartamaha Afrika, waxaana ay u dhoofiyaan qaaradaha Yurub, Aasiya & Ameerika.

Goobjoog Business

Please follow and like us: