Mark Zuckerberg Oo Shahaado Ka Helaya Harvard Oo Ah Jaamacaddii Uu Ka Haray!

f8-facebook-mark-zuckerberg-0112

Mark Zuckerberg oo kamid dadka ugu caansan dunida ee ka haray waxbarashada jaamacdeed ee loo yaqaan ‘Dropouts’ ayaa shahaado ka helaya Jaamacadda Harvard oo ah jaamacaddii uu ka haray.

Zuckerberg waxa uu Harvard ka haray isaga oo dhiganaya sanadkii labaad ee jaamacadda, waxa uuna fursad u arkay in uu waqtigiisa ugu badan geliyo horumarinta barnaamijkiisa Facebook oo markaa la oran jiray The Facebook.

Madaxa shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg, ayaa lagu casuumay in uu khudbad ka jeediyo xafladda qalinjebinta ee Jaamacadda Harvard ee dhici doonta May 25, 2017. Sidaa darteed Jamaacadda Harvard ayaa guddoonsiineysa shahaado sharaf “Honorary Degree”. Shahaadadan ayaa waxaa sanad walba la gudoonsiiyaa dadka horumarka aan caadiga aheyn sameeya, sidoo kalena bulshada horumariya.

Guddoomiyaha Jaamacadda Harvard ayaa amaanay Mark Zurckerberg waxa uuna tilmaamay in uu u qalmo in uu la hadlo ardayga qalinjebineysa sanadkan 2017.

Sheekada xiisaha badan ayaa ah in Jaamacadda ay sii daysay muuqaal Mark Zuckerberg uu Bill Gates ku weydiisanayo talooyin ku aadan khudbada lagu casuumay iyo wixii uu sheegi  lahaa.

Bill Gates oo isagana kamid ah dadka ugu caansan ee waxbarashada Jaamacadeed ka haray ayaa 10 sano kahor lagu casuumay xaflad ay ku qalinjebinayeen ardayda Jaamacadda Harvard.

Marka la fiiriyo liiska hantiilayaasha dunida waxaa labadoodaba ay kamidyihiin 5 qof ugu hantida badan dunida.

Shabakadda ganacsiga ee Bloomber oo si maalinla ah u diiwaangelisa liista hantiilayaasha dunida ayaa maanta oo ah 8’d Maarso Mark Zuckerberg u diiwaangelisay in uu haysto hanti gaareysa $59.1 Billion, halka Bill Gates-na uu haysto $85.7 billion. Waxaana xusid mudan in labadan nin ay hantida ugu badan ka sameeyeen tiknoolojiyada.

Bill and Mark

Goobjoog Business

Please follow and like us: