Warbixin: Shirkadaha Heerka Dhexe Iyo Kaalinta Ay Ku Leeyihiin Kobaca Dhaqaalaha Dalka

Shirkadaha  yar yar iyo kuwa heerka dhexe ee loo yaqaano (SMES ) waxay kaalin muuqata ku leeyhiin hormarka dhaqaale ee wadan walba.

Dalalaka caalamka ee ku horumaray dhanka dhaqaalaha, waxaa intooda badan daqligooda saldhig u ah shirkadaha heerka dhexe.

Dalkeena Soomaaliya waxaa uu ka mid yahay wadamada dhaqaale ahaan soo koraya inkastoo halkii la rabay uusan gaarsiisaneyn dhaqaalaha wadanka.

Sanadihii dambe magaalada caasimada ah ee muqdisho waxaa si  weyn ugu soo  qul qulayay qurba joog soomaaliyeed kuwaas oo dalka la yimid fikrado ay ka soo miin guuriyeen dalalkii ay ku noolaayeen, iyaga oo bilaabay  in ay hirgaliyaan qorshayaashii muddo dheer ay ku haminayeen ee ku  aadanaa sidii dalka uga abuuri lahaayeen faa’iidooyin dhaqaale oo iyaga iyo dalkaba dan u ah.

Afartii sano ee la soo dhaafay shirkado yar yar oo  si gaar ah loo leeyahay ayaa laga hirgaliyay caasimada muqdisho kuwaas oo waxyaabo kala duwan ka shaqeeya.

Haddaba shirkadaha heerka dhexe ee  ku soo xoogeysanaya  magaalada muqdisho side bay uga qeyb qaataan horumarka dhaqaale ee dalka.

Nuur kheyre guutaale waa xoghaya shirkadda iibisa hilibka  waxa aan weydiiyay waxa shirkadooda ay ku soo kordhisay dhaqaalaha dalka marka laga reebo in iyaga kaliyah ay macaash ka helaan waxaana uu ku jawaabay   “anaga shirkadeena waxa ay qabato waan ka faa’iideysanaa dadkuna waan uga faa’iideynaa waxaana xooga saarnaa dhoofinta hilibka , ma nihin  anagu dadka lacagta dalka qaada ee dibada geeya ee wax ku soo iibsada balse dalka ayaanu lacag soo galinaa, waxaana sidoo kale shaqo abuur usameynay ilaa 300 oo qof oo shaqo la’aan heysatay”.

Dhanka kale maxamed cabdullahi kamaaludiin oo ka mid ah aqoonyahanada somaaliyeed ee bartay culuumta dhaqaalaha waxa aan weydiiyay faa’iidada dhaqaale ahaan ugu jirta warshadaha iyo shirkadaha ku soo badanaya dalka.

“Shirkadaha heerka dhexe ee ku soo badanaya gudaha soomaaliya faa’iidooyin badan ayee u leeyihiin kobaca dhaqaaalaha dalka, loolanka ka dhaxeeyana waa mid dalka dan dhaqaale ay ugu jirta ha ahaadan dowladda iyo shacabka intavba” ayuu yiri kamaaludiin.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “dowladdu waxa canshuuro ka heleysaa shirkadahaas oo marba marka ka dambeeya sii xogeysanaya canshuuruhuna waxa ay ka mid yihiin daqliga ay dowladu ku tiirsan tahay kuna maarayso howlaheeda, si lamid ah shacabka ayaa daqliga ka helaya, dhulka ay leeyihiin dadka ayaa laga gadanaya ama laga kireysanayaa ,heerka shaqo la’aaneed ee dalka  ka jirta wax badan ayay ka qabanayaan, waayo waxaa jira dhalinyaro badan oo wax baratay oo shaqo la’aani ay heeso marka dhalintaas ayaa shaqo ka heleysa”

Shirkadaha dalka ku yaala intooda badan dalka dibadiisa wax uma dhoofiyaan taas badalkeed waxa ay macaash ka raadiyaan waxa ay gudaha dalka ku iibiyaan.

Nuur Kheyre Guutaale ayaa markale waxa  uu tilmaamayaa  sida loogu baahanyahay in shirkaduhu  dhoofiyaan kheyraadka dalka uu leeyahay

Kororka shirkadaha heerka dhexe waxay qeyb weyn ka qaadanayaan kobaca dhaqaale ee wadanka  sida uu qabo aqoonyahay maxamed c/llaahi “ marka kasta oo ay soo bataan shirkadaha yar yar waxaa kordha wadarta wax soo saarka dalka”

Waxa uu intaa ku daray “ganacsadaha dhabta ah ee doonaya in dhaqaalo uu isaga abuurto dalkana kobaciisa dhaqaale ka qeyb qaato  waa midka wax soo saarka dalka dhoofiya ee dibada u iib geeya ,ee ma ahan kan lacagta dalka taala qaada ee dibadda geeya sida ay ubadanyihiin ganacsatadeena, marka waxaad mooda in ganacsatadu ay ka gaabiyeen doorkii ay lahaayeen, dowladuna waxa laga rabaa in ganacsatudu ay ku dhiira galiso inay xoojiyaan dhoofinta wax soo saarka dalka”

C/majiid yuusuf suleymaan waxa uu gudoomiye ka yahay mid ka mid ah shirkadaha dhowaan galka ah ee dalka laga hir galiyay  waxay shirkadaan habeysaa muuska islamarkaana u iib geysaa, hooteelada, maqaaxiyaha iyo goobo kale oo magaalada kamid ah waxa uu c/majiid  ii sheegay in beeraleyda somaaliyeed  gaar ahaan kuwa muuska soo saara ay kala shaqeeyaan tacabka beerahooda .

“shirkadeenu waxa ay beeraleyda somaaliyeed ka caawisaa tacabka beerahooda gaar ahaan muuska, sababtoo ah beeraleyda intooda badan magaranayaan dhulka ku haboon in lagu beero muuska,shaqaale shirkadda ka tirsan ayaan u dirnaa beeraha kuwaas oo beeraleyda ku haga habka ay wax beerayaan kadibna waxaan ka iibsanaa waxa ay soo saaraan, marka iyagana waan udaneynaa angana ganacsigeana waan ku horumarinnaa” ayuu yiro c/majiid.

Shirkadaha heerka dhexe ee dhowaan dalka ka hana qaaday  dalk ayaa waxa ay qayb muhiim ah ka qaadan karaan dhaqaalaha wadanka sida ay qabaan aqoonyahanada ku taqasusay culuumta dhaqaalaha.

Sidoo kale qubarada dhanka dhaqaalaha waxa ay  tilmaamayaan in  dalka  weli ay ka jiraan fursado badan oo ku aadan dhanka maalgashiga haddii fursadahaasi sida ay tahay ay uga faa’iideystaan ganacsatada somaaliyeed  waxa shaki la’aan ah in  dalka uu tiigsan doono asaaagiisa horumaray.

W/Q: Mohamed Ali Hussein(Timo Jilic)

Goobjoog business

 

 

 

 

Please follow and like us: