Abaal Marinta Ganacsatada Somaliyeed Ee Sanad Laha Ah Ee [SABA] Oo Lagu Qabanayo Muqdisho

Burburkii ka dib markii ugu horeysay  waxaa magaalada mugadishu ee caasimadda dalka lagu qabanayaa  Abaal Marinta Ganacsatada Somaliyeed ee Sanad Laha Ah Ee [SABA]  oo lagu abaalmarinaayo shirkadaha ganacsi ee dalka ka jira .

Barnaamijkaan ayaa waxaa qabanqaabiyay  Majaladda Soomaaliya investor oo ah majaladda iyada maalgalineysa baranaamijkaan .

Madaxa Majaladda Soomaali Investor Maxamed Dhuubow oo ah ka mid ah  qaban qaabayaashaa ayaa Goobjoog Business  waxa uu uga warramay ujeedada barnaamijaakn iyo marxaladihii uu soomaray ganacsiga Soomaaliya  waxa uuna yiri “sanadkaan waa sanad doorasho  waxbadan oo wadanka lamaalgashan lahaa  ayaa moodaa inay wadanka ka maqanyihiin sida shirkadihii ajaanibta”.

SABA waa hindise lagu abaal marinayo isla markaasna lagu farxad gelinayo Ganacsatada iyo Shirkadaha ku dhaqama hannaanka maamul wanaaga si loo dhiiro geliyo kobac dhaqaale ee ka dhasha Soomaaliya.

Kadib qiimeyn muddo socotay SABA waxa ay bixineysaa illaa 10 qeybood oo abaal-marinno ganacsi ah, kuwaas oo kala ah;

  1. Shirkadda ugu hab maamulka wanaagsan ee sanadka [Company of the year]
  2. Hoggaanka ama CEO ga ugu fiican sanadka [CEO of the year]
  3. Shirkadda ugu wanaagsan ee loo shaqeeyo [Best Company to work for]
  4. Shirkadda ugu wanaagsan suuq-geynta [Best marketer of the year]
  5. Shirkadda ugu fiican tabarruca [CSR]
  6. Bangiga ugu fiican sanadka [Best Bank of the Year]
  7. Haweneyda Ganacsiga yar yar iyo midka dhexe [SME] ee sanadka
  8. Dhalinyarada Ganacsiga yar yar iyo midka dhexe [SME] ee sanadka
  9. Guud ahaan shirkadaha yar yar iyo kuwa dhexe [SME] ee sanadka
  10. Hay’adda dowladeed ee ugu dhiira-gelinta badan ganacsiga dalka

Dhanka kale waxaa bar bar socda shirweyne looga hadli doono arimaha  dhismaha iyo guryeenta Soomaaliya  oo ay iska kaashanayaan Majaladda Somali Investor iyo Idaacada ganacsiga ee Goobjoob Business barnaamijkaas oo 12 January, 2017 ka dhici doona Hotel Jazeera ee magaalada muqdisho .

soreco

Barnaamijkaan ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan qeybaha kala duwan ee ganacstada iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya. waana markii ugu horeysay ee munaasabad noocan ah lagu qabto guud ahaanba dalka Soomaaliya

Goobjoog Business

 

Please follow and like us: