Barta ‘facebook’ oo soo kordhisay Maqal Toos ah (Live Audio)

Shirkadda Facebook ayaa haatan soo saartay Live Audio kadib markii horay ay uga guuleysatay Live vedio.
Shirkadda ayaa haatan u suurogelin doonta Idaacadaha iyo shakhsiyaadka doonaya in ay hadal Live oo muqaal la’aan ah tabiyaan in ay helaan.
Facebook ayaa waxaa ay sheegtay in tilaabadan ay ku dhaqaa-day kadib markii ay aragtay in dadka qaar aaney dooneyn Live Vedio oo ay doonayaan Live Audio.
Hadda waxaa adeegsiga bilaabay BBC-da iyo hey’ado kale, waxaana la filayaa in shirkado kale iyo shakhsiyaadka caadiga ah ay ku soo biraan adeeggan sanadka soo socda.
Qofka waxaa uu awoodi doonaa in uu Mobilkiisa Smartphone-ka ah ka galo sida Live-ka oo kale.

Please follow and like us: