Bariis Ka Samaysan Balastic Oo Lagu Qabtay Nigeria

bariis

Dowladda Nigeria ayaa la wareegtay 2.5 ton oo ah Bariis ka samaysan plastic oo si kotorobaan ah ay u soo geliyeen ganacsato  damiir laawayaal ah dalka Nigeria sida laga soo xigtay qaybta sharciyaynta alaabaha la soo geliyo dalka ee Nigeria.

Sida uu sheegay madaxa sharciyaynta alaabaha ee magaalada Lagos  Haruna Mamudu waxaa lagu waday in bariiskan lagu iibiyo suuqyada Nigeria inta lagu guda jiro xilliga dabaaldegga ciidda kirismaska.

Waxa uu sheegay in bariiskan marka lakariyo uu dhegdheg yeelanayo, “Alle oo keli ah ayaa og waxa dhici lahaa” haddii shacabka ay cuni lahaayeen bariiskan.

Weli lama caddayn halka  uu ka yimid bariiskan la qabtay, lkn Bariis sidan oo kale ah oo caag ka sameysan ayaa sanadkii hore lagu qabtay dalka Shiinaha.

Bariiska ayaa ah cuntada ugu badan  ee sida caadiga ah looga isticmaalo Nigeria, iyo wadamo badan oo ka mida Africa oo ay soomaaliya ku jirto.

Fadeexadda “Raashiin been abuur ah” ayaa aad ugu yar Nigeria, marka la barbardhigo dalalka kale sida Shiinaha, balse waxaa ku badan dawooyinka been abuurka ah oo ay dad badani ku dhinteen.

Waxaa lala wareegay 102 kiish oo ah bariiskan ka samaysan plastic oo kiiba ay ku jirto 25 kg, waxaana weli la baarayaa nuuca caagga uu ka samaysanyahay bariiskan.

Sidoo kale, Weli waxaa la baarayaa inta si kotoroabaan ahaan loo iibyay iyadoo sarkaalkan u hadlay Nigeria ee algu magacaabo  Mr Mamudu uusan sharrixin sida loo sameeyay bariiskan.

In ka badan sanad ayay ahayd marki bariis been abuur ah oo laga sameeyay warqado laga helay gobolka Guangdong ee koofurta shiinaha.

Goobjoog Business

 

Please follow and like us: