Shirkada Diyaardaha Ee Air Jabuuti Oo Duulimaadyo Toos Ah Ka Bilowday Diridhabe

Shirkada Air Djibouti ayaa duulimaadyo toos ah ka bilowday magaalada DIRIDHABE,. Shirkada ayaa duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Dirdhabe joojisay muddo laga joogo 26 sano.

Madaxa maamulka magaalada Dirdhabe, Ibrahim Cismaan, iyo madax kale oo maamulka ah ayaa soo dhaweeyey dulimaadka oo ku soo beegmay furitaanka xafiiska shirkada ee Dirdhabe.

Ibraahim ayaa xusay in duulimaadku gacan ka geysan doono isu-socdaka labada shacab iyo ganacsiga kuwaas oo dhaqaalaha wadamada dariska ah kor u qaadi doona.

Shirkada ayaa 4 duulimad ku iman doonta Dirdhabe toddobaad kasta, sida laga soo xigtay wakiilka shirkada ee Itoobiya.

Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya ayaa leh xidhiidh dhanka ganacsiga oo xoog leh. Itoobiya ayaa ku tiirsan dekada Jabuuti oo ay wax kala soo degto ama dhoofiso.

Shirkada Air Djibouti oo horey gebi ahaanba hawlaheeda dullimaadka u joojisay ayaa dib loo soo nooleeye si ay wadanka u matasho.

Dirdhabe oo ay ku dhaqan yihiin Soomaali badan ayaa ka madaxbanaan maamulka DDSI iyada oo leh maamul gaar u ah.

Goobjoog business

Please follow and like us: