Soma Oil Oo Ku Fashilantay Inay Heshiis La Gaarto ENI

somoil

Shirkadda shidaalka baarta ee Soma Oil ayaa ku guuldareysatay inay heshiis la gaarto shirkadda shidaalka ee laga leeyahay dalka Talyaaniga si ay u maalgeliso wejiga labaad ee dadaallada Soma Oil ay ku dooneyso inay baaritaan ku sameyso shidaalka Soomaaliya.

Wadahadallo u dhaxeeyay labada shirkadood kuwaasoo salka ku hayay qeybsiga qatarta baaritaan lagu sameeyo biyaha xeebta Africa kuwaasoo ku kacayey qarash badan ayaa u muuqda kuwo aan hirgelin maxaayeeley shirkadda Soma Oil ayaa waxaa soo foodsaartay eedeymo la xiriira wax isdabamareyn iyo baaritaanno la xariira arrintaas.

Shirkadda ENI qeybteeda fulinta ayaa lagu qasbay  in ay ka laabato qandaraaska iyadoo raaceysa shuruucda ka mamnuuceysa inay ganacsi la sameysato shirkad baaritaan dambiyeed ku socdo.

Waa dharbaaxo kale oo soo gaartay Soma Oil taasoo dooneysa inay lacago badan ka sameyso shidaalka iyo heshiis ay la gaaro shirkado kale oo qabta hawsha ay hayso waxaana muuqata inay awoodin inay horumar ka sameyso socodsiinta hawlaheeda sababa la xiriiro baaritaanno shirkadda hareeyey,

Shirkaddan oo uu taageero nin maal qabeen ah oo u dhashay dalka Ruushka oo lagu magacaabo Alexander Djaparidze iyo weliba dad kale ayaa wajaheysa eedeymo la xiriira musuqmaasuq iyadoo baaritaan hordhac ah oo qaramada midoobay ay ku sameysay shirkadda la joojiyey sanad kadib.

Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan shirkadda Soma Oil ayaa sheegay in eedeymaha shirkadda loo soo jeediyey ay yihiin kuwo aan sal lahayn islamarkaana laga been abuurtay oo aan loo hayn caddeymo muujinaya waxa lagu soo eedeeyey.

Goobjoog Business

 

Please follow and like us: