U bood dhigaalka

Saamiyada Samsung oo hoos u sii dhacay ka dib dhibaatadii Note 7

Sheeko:War

Saamiyada Samsung Ayaa Hoos u sii dhacay maanta oo arbaca ah ka dib markii ay shirkaddu sheegtay in dib loo celinayo  moodelka note 7 ee ay shirkaddu soo saarto.

Saamiyada ayaa  horey hoos ugu dhacay 3% iyadoo sidoo kale talaadaddii uu hoos usii dhacay 8 % (siddeed boqolkiiba).

Shirkadda Samsung ayaa khasaartay in ka badan 20 billion oo doolar laba maalin gudahood.

Shirkadda Samsung ayaa dib uga celisay suuqa Note 7 kadib markii uu betriga sameeyay qarax  bishii September,  laakiin nuuc cusub ay soo saartay ayaa haddana la yimid dhibaatadii oo kale, waxaana ay sababtay in dowladda koofur korea ay gebi ahaanba qashinka ku darto Modelka cusub ee Note 7.

Falanqeeyayasha ayaa tilmaamaya in xiisadda Note 7 ay saamayn ku yeelan karto shirkadda Samsung Mustaqbalka Fog. Gaar ahaan marka ay shirkdaha la xifaaltamaya oo ay ku jiraan Google iyo Apple ay suuqa soo Geliyaan Modalo cusub Dhamaadka Sanadkan.

Note 7 ayaa loo arkay in uu yahay mid la tartami kara Iphone 7,  balse Saamiyada apple ayaa sare u kici doona 10-bil ee soo socota.

Bishii September ee sanadkan, shirkadda Samsung ayaa dib u celisay 2.5 million oo taleefan kadib markii ay beteiyada ka qarxeen.

Shirkadda Samsung ayaa ku dhawaaqday in ay gebi ahaanba joojinayso soo saaridda aaladdan iyadoo milkiilayaasha shirkaddana ay ugu baaqeen in la joojiyo soo saaridda mobile cusub oo ah modelkan dhibaatada sababay ee Note 7.

Goobjoog Business