About GoobJoog!
Goobjoog waa website af Soomaali ah oo ka hadla arrimaha adduunka guud ahaan, gaar ahaanna arrimaha Soomaaliya. Goobjoog wuxuu tebiyaa warar uu ku dadaalay inuu xaqiijiyo inay run yihiin kutiri kuteenna ka fog, Siyaasadda Goobjoog waa in waxa uu qorayo uu noqdo mid aan ka hor imaneyninin mabaadiida asaasiga ah ee uu rumeysan yahay oo ah:
ISLAAMNIMO: Wax ka soo horjeeda diinta Islaamka mise wax u dhimaaya ma tebin doono boggani.
WADANINIMO: Waxa uu qoraayo waa inaysan ka hor imaneynin wadaninimada Soomaaliyeed.
DHEXDHEXAAD: In uusan dhinac u leexanin marka laga hadlayo qolyaha isku haysta qabiileysiga, goboleysiga. Sidoo kale xagjirnimo diineed ma baafinayo boggu. Hase yeeshee, marna dhexdhexaad kama noqon doono xaqa iyo baadilka iska cad sida gumeysiga iyo iskacaabin, qarannimo iyo gumeysi u adeegid ama qabyaalad. Islaamnimo iyo diin la’aan ama anshax la’aan.
Goobjoog.com iyo goobjoog.net labaduba waa hal website wuxuuna hoos yimaadaa hay’adda loogu magac daray “Goobjoog Information Center” ee ku taalla London ee carriga Ingiriiska.
Waxaad nagala soo xiriir kartaa emailka ah webmaster@goobjoog.net
